Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dalalka Carabta oo dhaqaale u ururinaya Soomaaliya

$
0
0
Maxamed Nuur Gacal

Maxamed Nuur Gacal

Muqdisho[RBC Radio]Sida uu sheegey ku-simaha wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal oo socdaal shaqo ugu maqnaa seddexdii todobaad ee la soo dhaafay wadamada Khaliijka Carbeed ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay,waxaa dhawaan la qaban doonno shir dhaqaale loogu yaboohidoonno Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha waxaa uu caddeyey  in Madaxda Khaliijka ay balanqaadeen in Soomaaliya ay u qabtaan Shirweyne gaar ah oo looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya, taasoo lagu go’aamin doono xilliga uu qabsoomayo Shir ay madaxda Khsalaiijka maalinta Talaadada ah ku yeellanayaan magaalada Kuwait city ee dalka Kuwait.

….”"”"Waxaan dhawaan sugena inuu dhaco shir dhaqaale loogu yabahooya Soomaaliya waxana xilliga uu dhacayo ku xaqiiqsan doonna shirka ay yeellanayan  madaxda kahaliijka ee beri Kuwait ka furmaya  waxaana lagu soo go’aamin doono xilliga loo qaban doonno Soomaaliya shirka looga hadlayo dib u dhiska dalka, taasi oo faa’iido weyn u ah guud ahaan shacabka, islamarkaana dhiirigelin doonto horumarka ka socda dalka…”"”"  Maxamed Nuur Gacal.

Dowladda faderaalka ee xilligaa jirta ayaa iyadu muddadan danbe ka qeyb galaysey shirar looga hadlayo sidii dhaqaale ay u heli lahayd,balse ma jiran wali isbadal ku aadan baahiyaha dalka ka jiray muddaa dhan 22-sanno.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles