Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa maantay ka dhacay xukun ay riday maxkamada gobolka Banaadir,kadib marki xukuno lugu riday gabar sheegtay in la kufsadey iyo wariye arrinta ka wareystay iyo waliba Milkiilaha Idaacada Shabelle .
Xukunnada ay riday maxkamada waxaa ay yimaaden kaddib markii maxkamaddu ay maanta dhageysatay dacwooyin kala duwan oo lagu soo oogay saddex ruux ee lagu xukumay xabsiyada kala duwan.
Maxakamada hal sanno oo xarig ah waxaa ay ku riday Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud oo lagu soo eedeeyay aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, iyadoo wariyihii wareystay haweeney sheegatay in la kufsaday ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah.
Wariyaha isagu ku eedeysan inuu wareystay gabadha la kufsadey oo lugu magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah oo uu iibsan karo, milkiilaha idaacadda Shabelle ayaa isagana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah oo uu iibsan karo, iyo gabadha sheegtay in la kufsaday oo iyadana lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa gaba-gabadee dhageysiga dacwada waxaa uu ku dhawaaqay xukunnadan kala duwan ee lagu riday saddexdan ruux ee lasoo eedeeyay, balse ma uusan sheegin qiimaha lagu iibsan karo xabiyada lagu xukumay wariye Maxamed Bashiir iyo milkiilaha Shabelle.
Sidoo kale maxkamadda waxaa joogay labadii wariye ee ay gabadhu ku eedeysay inay kufsadeen, kuwaasoo ka tirsan warbaahinta dowladda, mana jirto wax su’aalo ah oo arrintan laga weydiiyay.
Isku soo wadda dubo go’aanka ay maxkamadu qaadatay waxaa uu noqnaya kii labaad oo garsoorka dalka uu ku rido qof dumar ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareystay.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho