Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qardho: Heshiis Taariikhi ah oo Dhexmaray Laba Beelood oo Walaalo ah[Sawirro+Dhageyso]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio] Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa manta kulan qado sharaf iyo sogootin u sameeyey Odayaasha Beesha Jaamac siyaad oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Qardho.

Waxaana kulanku ahaa gebegebo iyo kala wareegid Diyo ka soo wareegatay 24 sano oo u dhaxeysay Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Jaamac Siyaad,waxaana manta ka soo qeybgalay Nabadoonada Gobolka iyo Ergada Beesha Jaamac Siyaad waxana lagu wareejiyey Qeybta hore Diyadii ay ka rabeen Beesha Cisman Maxamuud

Labada beelood ayaa ku qancay  Hishiishka maanta la gaaray kadibna waxaa Qoraal soo saary Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

SONY DSCQado sharaf Boqorku u sameeyey labada beelood ee Cismaan Maxamuud iyo Jaamac Siyaaseed.
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 8 12 2013 soo gabegaboobay diyo ama mag ay ku laheyd Beesha Jaamac Siyaad Beesha Cismaan Maxamuud,taasoo ku dhamatay Isfahan iyo diyadii oo lala kalawareegay,diyadaan oo ku sinneyd illaa xiligii dowladda Soomaliya jirtay khilaaf yarna uu ka taagnaa waxaa soo dhexgalay gogolna u fidiyey Boqorka si arintaasi loo dhameeyo,weyna dhamatay.
Boqorku waxa uu u mahadceliyey labada beelood sida ay ugu dhameysteen arintooda isfahan iyo afgarad,waxa uuna  sii gaar ugu mahadceliyey Beesha Jaamac Siyaad dulqaadka iyo saburka ay muujiyeen,waxa uuna sidoo kale ku amaanay Beesha Cismaan Maxamuud sida deg dega ah ee ay ayaamo kooban ugu bixiyeen diyadaas.
Markale waxa uu Boqorku uga mahadcelinayaan waxgaradka, odayaashsada iyo Cuqaasha  Beesha Jaamac Siyaad sida dhaqsiyaha leh ee ugu soo gurmadeen dhacdadii naxdinta laheyd ee ka dhacday Magaalada Taleex.
Sidoo kale waxa uu Boqorku Beelaha kale ugu baaqayaan in ay ugurmadaan si arintaasi loo xakameeyo,waxaan horey ugu hadlay islamaalintaa ay dhibto dhacday oo aan ka tacsiyeeyey dadkii dhintay Allana ugu baryey dadkii ku dhaawacmay in uu caafimaad siiyo,Intii dhimatayna Ebbe ha unaxriisto,
Boqor Burhaan Boqor Muuse ,wuxuu ka  codsaday Beesha dhibtaas gaartay in ay muujiyaan dulqaad iyo samir.
Waxaan ugu digayaa maamulka Puntland oo loo tirinayo in ay dhibaatadaan geysateen  iyo maamulka Somaliand oo iyagana ay soo noqnoqotay dhibaatada ay u geystaan shacabka ku nool deegaanadaas.
 Hishiish_Taariikhi Ah (1) Hishiish_Taariikhi Ah (2) Hishiish_Taariikhi Ah (3) Hishiish_Taariikhi Ah (4) Hishiish_Taariikhi Ah (5) SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC
C/raxman Maxamed Cali [Black]

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles