Boosaaso(RBC Radio) Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Gelinkii dambe ee Maanta Booqasho ku tagay Jamacadaha kala ah Bariga Afrika iyo Bosaso ayaa u kuur galay Xaladaha Waxbarasho iyo sida ay u Shaqeyaan Jaamacadaha Dalka.
Maamulka Jaamacadahaas ayaa ka Warbixiyay Jamacadahooda Shaqada adag ee ay Bulshada u hayaan iyo Guud ahan Tacliinta sare ee Dalka Maanta halka ay Marayso.
Musharax Gaas wuxuu Booqday qaybo Kamid ah Jaamacadihii uu Maanta tagay waxaana uu ku dheeraday Faidada ay Waxbarashada u leedahay Qofka Biniadamka Nolashiisa Mustqabalka iyo Isbedelka uu ku keeni karo Bulshada Guud ahan.
Qaar Kamid ah Ardayda oo aad uga Dheragsan In Dr.Gaas uu kamid Yahay Bahda Waxbarashada ayaa qaybtood Su’alo ka weydiiyay Siyasadda Puntland iyo Rajada ay ka filayan in uu Hormariyo Xaladaha Waxbarasho ee Deeganada Puntland, Waxaana Musharaxa uu Sheegay in siyaasadisu ay qayb ka tahay Horumarinta Guud ahaan Waxbarashada Dalka isla markana uu ku howlanyahay Qorshayaal badan oo kor uga sii qaadi kara Meesha Wanaagsan ee Waxbarashada Puntland ay haatan Marayso.
Khudbad Dheer oo uu ujeediyay Boqolaal Arday oo Dhigata Jamacadda Boosaso ayuu aad ugu dheeraday Qofka Binidamka iyo sida uu ugu baahanyahay in u wax barto Isagoo tusalayaal u soo qadanayay Dhacdooyin horay u dhacay iyo Tusaalayaal talo badan laga helay.
Musharax Gaas wuxuu Sheegay Haddi uu ku gulaysto Hogganka Dalka ay wax badan Iska bedeli doonan Guud ahaan Waxbarashada.
“Waxaan aminsanahay Haddi qofku uu Wax Barto in Nabadgelyadana ay Wanaagsananayo, Bulsho wax Baratay kama dhex dhalanayso Amni xumo waxaa kaloo Imaan kara Haddi Bulshadu wax Barato Horumar lagu Talabsado iyo Bulsho Wanaagsan” ayuu ku yiri Gaas Ardayda Jaamacadaha.
Ardayda Jaamacadaha oo qaarkood la hadlay ayaa Muujiyay in ay ku Faraxsanyihiin in Musharaxa uu soo Booqdo Waxaana qaar kamid ah Ardayda ay hab Sugaaneed ku soo Bandhigeen Dadaaladii uu Dalka ka soo qabtay xligii uu ahaa Raisulwasaraha Somaliya iyo Rajada Wanaagsan ay ka qabaan Haddi Musharax Gaas uu ku Gulaysto Hogaanka dalka.
Musharax Gaas wuxuu u Mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Bosaso iyo Bariga Afrika isagoo Tilmamay in Bulshada ay u hayaan Howl adag oo Muhiim ah waxana uu ku dhiirageliyay in ay sii Hormariyaan Tacliinta Dalka iyo soo saaridda Bulsho Tacliin leh.
Booqashadaan ayaa qayb ka ah u kuur gelidda Dhinacyo badan oo Howlo Muhiim ah Dalka iyo dadkaba u haya, waxayna Booqashada Musharaxa ay ahayd kuwa Isdaba Joog ah oo Goobo badan uu ku tagay Tan iyo Markii uu Shalay soo gaaray Magaalada Boosaso .
Maanta gelinkii hore wuxuu Musharax Dr Cabdiweli Gaas Booqday Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland waxaana uu sheegay in Siyaasidisu qayb ka tahay Kor u qadidda Ganacsiga taaso wax badan ka bedeli karta Dhaqalaha iyo Noolasha Bulshada.
___________________
Boosaaso