Muqdisho[RBC Radio]Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden oo xilligaan ah ku-simaha xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay shirar ay uga soo qeyb gashay dalka Faransiiska gaar ahaana magaalada caasumada ah Paris inay waxbadan ugu soo faa’iden,iyadoona inta ku dartay in madax kala gadisan ay la shirtay.
Fowsiyo ayaa maantay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya,waxana ay saxaafadda kula hadashey guddaha garoonka diyaaradda Muqdisho oo ay madax dowladda ka tirsan kusoo dhaweeyen,waxana ay ugu horren ka hadashey shir ay ku sheegtay inuu ahaa heer caalami ah oo ay kaga soo qeybgashay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo ay kamid yihiin nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika, islamarkaana ay marti gelisay Dowladda Faransiiska.
Wasiirka arrimaha dibadda sidoo kale waxaa ay soo hadal qaaday in ka qeybgalka shirkaasi ee dowladda faderaalka Soomaaliya uu ahaa mid ahmiyad weyn u lahaa dowladda Soomaaliya, waxana ay tilmaamtay in mudadii uu shirkaasi socday ay dhanka kale la kulantay Madxda Dowladda Faransiiska iyo Dowlado kale oo ka tirsan Carabta iyo Afrika oo iyagu ka qeyb galay shirkaasi, kuwaasi oo ay islameel dhigeen arrimo badan oo ay ka midyihiin sidii Dowladda Soomaaliya gacan loogu siin lahaa nabad ku soo dabaalida guud ahaan dalka.
…”"‘Soomaaliya waxbadan bay ka soo kororsatey shirkii Paris,waxana uu inoo ahaa mid ahmiyad weyn u lahaa dowladda Soomaaliya,sidoo kale shirka inta uu socday waxan la soo shiray madxda dowladda Faransiiska iyo Dowlado kale oo ka tirsan Carabta iyo Afrika oo iyagu ka qeyb galay shirkaasi, kuwaasi oo an islameel dhignay arrimo badan oo ay ka midyihiin sidii Dowladda Soomaaliya gacan loogu siin lahaa nabad ku soo dabaalida guud ahaan dalka…””ayey tiri Fowsiyo.
Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xilligaan ah mid ku taagan garab qabashada waddamada caalamka,waxana inta badan shirarka ay dowladdu ka qeyb gasho ku codsataa inay laga taageero baahiyaheda ay tabayso.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho