Muqdisho[RBC Radio]Sida lugu sheegay qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Humanitarian Policy Group of the Overseas Development Institute (ODI) iyo xarunta cilmi-baarista ee Heritage,waxaa la sheegay in hay’addaha Soomaaliya ujooga bixinta gar-gaarka inay lacago siyaan Ururka Al Shabaab oo xilligaan dagaall xoogan kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Afrika ka socda ee caawinaya.
Warbixinta soo baxday xilligaan sidoo kale waxaa lugu sheegay in tallaabadan ay hay’addaha u bixinayaan si ay u gaaran gar-gaarka ay bixiyaan deegaannada ay maamulan Al Shabaab.
Lama xusin magacyada hay’addaha Soomaaliya ka howlgalla ee Al Shabaab lacag ku siya si ay howlahooda ugu fuliyaan deegaanada ay maamulan balse waxaa la sheegay in Uruka dagaallama ee Al Shabaab ay hay’addaha ku amraan inay lacago si ay ugu ogolaadan in howlahooda ay ka fushadaan deegaannada ay gacanta ku hayaan.
Waxaa lugu xusay warbixinya in hay’addaha markii ay doonayan inay howlahooda ka fuliyana deegaannada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab in laga qaado lacag cadadkeda lugu sheegay inay dhantahay 10,000 oo doollarka,waxana la sheegay in lacagta lugu diwan galinayo hay’adda markaa doonaysa shaqooyinkeda inay ka qabsato deegaannada Ururka ay maamulan.
Warkaan sidoo kale waxaa lugu caddyey in hay’addaha la sheqeyn jirey xafiiska Al Shabaab u xilsaarnaa arrimaha gar-gaarka iany tallaabo qaldan qaaday,maadamaa la sheegay in Al Shabaab ay iygu bixiyaan agabyada gar-gaarka loogu tala galay,waxana inta lugu daray in qeyb ka mid ah gar-gaarkaasi ay la haraan Al Shabaab.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho