Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Fiqi:Gobollada dalka waa la isku furi-doona

$
0
0
Cxakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

Cxakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

Muqdisho[RBC Radio]Sida lugu sheegay war ka soo baxay dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya xilligana waxaa socda dadaallo lugu doonayo sidii la isgu furi-lahaa gobollada dalka ee xilligaan sida la sheegayo kala xiran.

Qeybo ka mid ah gobollada dalka xilligaan waxaa gacanta ku haya Ururka Al Shabaab oo la dagaallama dowladda,waxana taasi ay ka dhigtay inay kala xirmaan gobollada dalka ee ay Al Shabaab ku sugan yihiin iyo kuwo dowladda ay maamusho.
Dowladdu waxaa ay sheegtay inay ka go’antahay sidii ay uga sifeyn lahayd Al Shabaab qeybo ka mid ah gobollada dalka ee ku yaalla koonfurta.

Warkaan waxaa uu ka soo baxay ku -simaha wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,wxaana uu sheegay Fiqi  in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dib isugu furto dhawaan dhammaan gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaAl-shabaab.

….”"”Waxaa uu yahay qorshaheenna  in dhawaan aan isku furno wadanka oo dhan, hadda waxaa heergagabo ah maraya qorshihii Al-shabaab looga xoreyn lahaa dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada ay ku suganyihiin, Al-shabaab waa cadowga ummadda Soomaaliyeed oo dhan ee ma aha inay dowladda oo keliya ay la dagaalansanyihiin ee dadka Soomaaliyeed oo dhan ayey la dagaalamayaan…”"”ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday C/xakiin baaqay uu u diray shacabka Soomaaliyeed isagoona u sheegay inay taageero dhinac kasta ah la garab istaagaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaanda ay Soomaaliya weli kaga suganyihiin sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha noqotee dowladda faderaal ah ee Soomaaliya oo taageero ciidan ka helaysa kuwa AMISOM ayaan wali ku guulesan inay gacanta ku dhigto gud ahaanba gobollada koonfured ee dalka.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles