Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

UNSOM oo Baarlamaanka Soomaaliya ku wareejisey aalad lugu kaydinayo dastuuurka

$
0
0
Baarlamanaka Soomaaliya oo helay aalad dasturka ay ku dhageystan

Baarlamanaka Soomaaliya oo helay aalad dasturka ay ku dhageystan

Muqdisho[RBC Radio]Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay helay aalad la sheegay in lugu keydin doonno dastuurka dalka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM uu  ku wareejiyay baarlamaanka Soomaaliya 5,000 oo aaladaha wax lagu dhagaysto ee loo yaqaanno MP3 Players, kuwaas oo lagu kaydiyay dastuurka Soomaaliya oo cod ah.

Waxaa lugu sheegay qorshayaan inuu yahay mid lugu  dhiirri-gelinayo xildhibaanada  baarlamaanka,taaso looga goleyahay inay waxbadan ka ogaadan dastuurka oo ay  si fiican u dhuuxaan dastuurka, si kuwooda ka gaari waaya inay akhriyaan dastuurka, ay u dhagaystaan isaga oo cod ah.

Xilligii ay dhacday in Baarlamaanka lugu wareejiyo qalabkaan ayaa waxaa la waydiiyay xafiiska UNSOM oo isagu aalada u qeybiyey baarlamaanka  sababta tirada MP3 players-ka looga dhigay 5,000, iyadoo tirada xildhibaannada ay yihiin 275, xafiiska ayaa ku jawaabay in aaladaha loogu talagalay in lagu taageero dadaallada aasaasiga ah ee uu wado guddiga baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Isku soo wadda dubo guddiyada baarlamaanka ayaa la sheegaya inuu dhawaan qorsheynayo sidii uu u gaari lahaa o daafaha dalka, sida uu sheegay xafiiska UNSOM.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles