Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Al Shabaab oo weeraray saldhig ciidan oo ku yaalla Afmadow

$
0
0

Afmadow[RBC Radio]Ciidamo ka tirsan ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama ayaa weerar ku qaaday saldhig ay lahaayeen ciidamada is-garabsanaye ee ku sugan Afmadow.

Saldhiga weerarka uu ka dhacay waxaa la sheegay inay la haayeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ku sugan  degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma jirto cid wali ka hadashey weerarka Al Shabaab ay ku qaaden saldhiga ciidan balsa dadka deegaannka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey weerarka,waxana ay inta ku dareen  in mar kaliya ay maqleen dhowaqa rasaas aad u culus oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Waxba lagama ogaan wali khasaaraha ka dhashey weerarkaan  balse waxaa la sheegay in dagaalka uu qaatay muddo saacado ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah, maadama xilliga uu habeen yahay.

Saraakisha ciidamada maamulka Jubba oo ay warbaahinta la xiriirtay ayaa ka gabsadey inay wax tafaasil ah ka bixiyaan weerarka lugu soo qaaday saldhigga ciidankooda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen Afmadow.
_________
RBC Radio
Xafiiska Afmadow

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles