Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey wareegto ka soo baxday xafiiskiisa dhowaan oo fareysay in mudo saddex bilood ah guryaha ay dadka ku dayactirtaan haddii kale uu maamulku la wareegi doono.
Kulan shalay kadhacay magaalada Muqdisho ayaa odayaal iyo ganacsato ka soo jeeda beelaha Banaadiriga waxay ka digeen in wareegtadaasi la dhaqangeliyo iyagoo sheegay in ujeedada amarka gobolka Banaadir uu yahay in hantidooda lagula wareego.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo wareysi siiyey idaacadaha gudaha ayaa sheegay in dadku si khaldan u fahmeen amarka maamulka gobolka Banaadir isla markaana aanu ahayn in ay guryo la wareegayaan.
“Annagu ujeedadeenu waa in bilicda magaalada la soo celiyo, mana ahan amarkan in magaalada oo dhan uu wada saameynayo ee kaliya waxaan ula jeednaa guryaha ku teedsan wadada Boondheere iyo Shangaani ee agagaarka Sulfikhaar.” ayuu yiri Tarsan oo fasirayey wareegtada uu soo saaray xafiiskiisa labo maalin ka hor.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuu sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo dawlada hoose aysan lahayn sharciyad iyo awood ay kula wareegaan dhul dadweyne, hase yeeshee kaliya ay doonayaan in dadka dhistaan ayna quruxsadaan guryahooda taasoo uu sheegay inay ka qeybqaadanayso bilicda magaalada Muqdisho.
Labo maalin ka hor ayaa amar ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo uu saxaafadda ka hor akhriyey xoghayaha gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle waxaa lagu sheegay in mudo saddex bilood ah ay heystaan dadka guryaha ku leh Xamarweyne iyo agagaarkeeda, haddii ay ku dayactiri waayaan guryaha burbursan la qaadi doono guryahooda.
Arrintaasi ayaa dhalisay buuq iyo hanjabaad ka soo yeertay odayaal iyo ganacsato sheegay in loo jeedo in guryahooda xoog looga qaato.
RBC Radio