Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20245

Xaalad Abuurka Musharaxiinta Puntland. W/Q Fahad Sheekh

$
0
0

Xaalad Abuurka Musharaxiinta Puntland
Fahad Sheekh
Siyaasi2012@yahoo.com
Diseembar 09 2013

maqaalWaa wax lala yaba ah, oo weli horay uga dhicin taariikhda Puntland in musharaxiin aad u tira badan, oo weliba intooda badan la ogyahay inay ku guuldareysteen hawlihii loo igmaday ay Puntland ka bilaabaan xaalad abuur iyo khal-khal gelin lagu hayo shacabka iyo dowladda Puntland

Puntland waa qaan-gaar, waxayna jirtaa 15 sanadood, marna kama dhicin taariikda Puntland, lagumana hayo sooyaalka Puntland buuqa iyo khalkhal siyaasaseed oo ay abuurayaan kooxda mucaaradka ee Boosaaso isku urursatay. Waa dhaqan ku cusub siyaasada Puntand in dowladda maamulka gacanta ku haysa talaabada ay qaado mid lid ku ah inay musharaxiinta qaadaan.

Siyaasad Ugub ah

Waa dhaqan siyaasadeed ku cusub Puntland in kooxda mucaaradka oo ka tala iyo tusaala qaadanaya Cadde Muuse, Cabdulaahi Samatar inay ka codsadaan ergayga qaramada Midoobay Nicklos inuu soo fara-geliyo arrimaha siyaasadeed iyo bulshadeed ee Puntland. Waa ugub aan horay u dhicin

Waa dhaqan siyaasadeed ku cusub bulshada Puntland iyo dowladeed in kooxda Mucaraadka ay adduunka codsadeen in dad shisheeye ah, oo goob joog ka noqda doorashada Puntland. Waa ugub aan horay u dhicin

Waxaa ugub ku ah Puntland oo ay ragga mucaaradka ee raba in talada Puntlad loo dhiibo ay abuureen fowdo iyo xaalad-abuur tii ugu xumeyd ebed ee soo marta sooyaalka Puntland. Waxay ku dhawaaqeen guddiga khilaafaadka oo lid ku ah guddigii ay dowladda abuurtay. Waa yaab. Taladaas waxaa keenay oo idaacadaha kaga dhawaaqay nin la yiraahdo Korneyn Cabdulaahi Saciid Samatar. Tani waxay muujineysaa in Cabulaahi Samatar uu la dagaalsanyaay shakhsiyada madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, oo ay kala baxday siyaasadii loo tartamayey.

Waxaa ugu ku ah siyaasada Puntland oo aan horay u dhicin in la is-hortaago dimuqraadiyada curdan ah, oo bilow ah, oo weliba aheyd doorashada dowladda hoose oo bilow ah. Intaas waxaa dheer in dhiig ku daatay

Cadde Muuse Ma Noqon, Sidii Cabdulaahi Yusuf

Aad iyo aad waxaa wax looga xumaada ah in janaraal Cadde Muuse oo marar badan meel fagaara ah ka sheegay inuu yahay oday weyn, oo nabad-doon ah una dhaxeeya dadka oo dhan inuu maanta ku dhex milmo rag mucaarad ah oo burburinaya Puntland

Janaraal Cadde Muuse, ma noqon, mana u dhawa xataa sida halyeeygii, geesigii reer Puntland, Alle ha u naxariistee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf AXmed. Wuxuuu marxuum Cabdulaahi Yuusuf ka dhex baxay musharaxiinta iyo dowladdii Puntland, isagoo weliba noqday oday, madaxweyne iyo wleiba naba-doon u kala dab-qaada mucaaradka iyo dowladii Cadde Muuse. Laakiin maanta

Cadde Muuse wuxuu noqday oday carrab xanaf leh, oo mar walba laga maqlo hadalo ay ka mid yihiin “Puntland waa bur-bureysaa,” isagoo aad moodo inuu ku qancinayo dad gaar ah amaba ay Puntland burburkeeda iyo kobaceeda ay gacantiisa ku jirto. Wuxuu isugu biyo-shubtay oday la safan rag tolkiis ah, balse aan igu yeero magaca “mucaaradka,” halkii looga baahnaa inuu qaado wadadii uu u furay Alle ha u naxariistee madaweynihii hore mudare Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Hadafka kooxda: In Xukunka laga tuuro Faroole

Kooxda mucaaradka ah ee uu Cadde Muuse taageero waxay leeyihiin laba ujeedo. Ujeedada koowaad waa xaalad abuur, iyagoo warbaahinta adeegsanaya, oo mar walba hadalo xasaasi ah oo ay dadka ku khalkhal gelinayaan, si ay u abuuraan xaalad abuurta buuq iyo iska-hor imaad iyo fowda. Ujeeadadooda labaad waa in ay mar madaxweyne Faroole ka tuuraan xukunka, balse isma weyddiin war haddii ay tuuraan maxaa ka danbeeya

Waxyaabaha kuu cadanaya inay wadaan xaalad abuur waxaa ka mid ah iyagoo ka soo horjeeda dowladda ka dhisan Puntland; iyagoo ku dooda in dowladda lagala wareego maamulka, laguna wareejiyo issimada. Walaa Xawlah Walaa Quwa! Waa fowdo iyo bur bur abuuris ragga leh dowladda ha lagal wareejiyo maamullka.

Mucaaradka waxaa u muuqda, oo ay dagaal kharaar kula jiraan shakhsiyada madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, balse uma muuqato dowladda iyo bulshada Puntland. Waxa kale oo kuu cadenaya hanjabaada joogtada ah ee ka soo yeera qaar ka mid ah mucaaradka, iyagoo adeegsanaya idaacada codka Mareykanke ee VOAda loo yaqaan

Cadde Muuse waxaan leeyahay, adeerow, dhex-dhexaad ka noqo siyaasada Puntland, si aad u hanato ixtiraamka, kalsoonida iyo qadarinta shacabka Puntland, oo dhex-dhexaadi labada qolo, balse dhinac ha raacin. Mucaaradka waxaan leeyahay joojiya xaalad abuurka iyo khalkhalka aad ku abuureysaan bulshada

Fahad Sheekh

Siyaasi2012@yahoo.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20245

Trending Articles