Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Labada Gudi Ee Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka Oo ay kala Magacaabeen Murashaxiinta Iskhilaafsan ee Puntland Ma Sharcibaa Mise Sharci Darro? C/qaadir Warsame Yuusuf

$
0
0

Labada Gudi Ee Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka Oo ay kala Magacaabeen Murashaxiinta Iskhilaafsan ee Puntland Ma Sharcibaa Mise Sharci Darro?
C/qaadir Warsame Yuusuf
Abdiqadir72@hotmail.com
Diseembar 09 2013

maqaalMagaalooyinka Garowe iyo Boosaaso Waxaa labo todobaad oo Isku xiga looga kala dhawaaqey labo guddi oo la sheegay inay yihiin Gudiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka ee ay Puntland yeelanayso 5-ta sano ee soo socota. Murashax Madaxwayne ahna Madaxwaynaha Puntlnad ee waqtigan Mudane C/raxmaan Maxamed Maxmauud Faroole waxa uu ku dhawaaqey 8 xubnood oo Gudiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka, ku dhawaaqistaas kadib waxaa naqdiyey diidayna inay aqbalaan Murashixiinta kale ee Madaxwayne Faroole kula tartami doona doorashada dhici doonta 8 Janaayo 2014-ka. Murashixiintu iyaguna dhankooda waxay shalay uga dhawaaqeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari Gudiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka oo ka kooban 8 xubnood.

Mar walba oo ay doorasho ka dhacayso Puntland, Murashixiinta iyo Madaxwaynaha xukunku ka dhamaanayo ee isna Murashaxa ah waa ay is khilaafaan sababtoo ah Murashixiintu waxay ku doodaan inaysan ku qabin kalsooni gudi uu magacaabo Madaxwayne isaguna Murashax ah, Doorashadii u danbaysay ee Puntland ka dhacday 8-Janaayo 2009. Murashaxiintii tartankaas ka qaybgashay oo uu Madaxwayne Faroole ka mid ahaa waxay si weyn uga horyimaadeen Magacaabistii Gudiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka ee Madaxwayne Gen. Cadde Muuse Xirsi oo xilligaas Madaxwayne ka ahaa Puntland, Madaxwayne Faroole waxa uu ahaa Murashax cod dheer ku diiday inuusan aqbali doonin gudigaas sidoo kalena isagoo saxaafadda la hadlay waxa uu soo jeedshay in Gudigaas la wada magacaabo dowladuna aysan xaq u lahayn.

Khilaafka Doorashadu mar walba wuu dhacayaa waliba inta Nidaamka Qabaliga ah lagu jiro wuu soconayaa, mana dhacayso isku calool fiyoobaan iyo kalsooni dhexmarta Murashaxiinta iyo Xukuumada markaas jirta haddii aan la kala dhexgalin. Doorashadii Madaxwayne Faroole ku yimid intii loo diyaargaroobayay ee uu khilaafkan hadda taagan uu yimid waxaa soo dhex galay oo xal dhex dhexaad ah keenay Isimadda Dhaqanka Puntland oo ah Marjaca loo noqdo markii khilaaf siyaasadeed uu yimaado si aysan dhibaato uga dhicin wadanka.

Isimada Puntland 2008-dii markii ay arkeen khilaafka Murashaxiinta iyo Xukuumadii Gen. Cadde Muuse waxay sameeyeen kulan ay uga wada doodeen Isimadu kadibna ay soo saareen go’aan dhexdhexaadin ahaa oo lagu wada qancay, Isimadu waxay soo saareen go’aan lagu magacaabayo Gudiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka ahaana mid ay Xukuumadii Cadde Muuse na ay xubno soo magacaabayso Murashaxiintii waqtigaasna ay soo magacaabaan xubno arintaas oo lagu xaliyey khilaafkii barigaas.

Maantey waa tii oo kale waxba kuma kala duwana, Xukuumadi way jirtey waagaas maanteyna way jirtaa, nidaamku waa kii qabaa’ilka oo nidaamkii Xisbiyadu waa fashilmeen, Waxaa la joogaa Doorkii Isimada ee ahaa ka shaqeynta Maslaxada iyo ka hortaga dhibaato siyaasadeed oo Puntland ka dhaca ” Hadday Tuban Tahay Waa Tolleeyoo Looma kala haro”, meel la fiirsado ma joogto Isimada Puntland doorkoodii waa la joogaa mar haddii Labo Guddi Khilaafaad oo Murashaxiin iyo Xukuumad Iskhilaafsan kala magacaabeen wadankii looga dhawaaqey, alleylehe meel la fiirsado ma joogto.

Shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan waxay wadnaha farta ku hayaan in khilaafkan uu dhibaato keeno haddii aysan Isimadu soo kala dhex galin Khilaafka sidii ay horeyba yeeli jireen Isimada Dhaqanku, Garanmaayo Isimadu doorkan waxay uga aamuseen ama waxa lagu aamusiyeyba. Haddana Shacab weynuhu wuxuu afka ku wada hayaa Isimada Puntland maxaa aamusiyey? Maxay dhawrayaan ma marka faraha la isla galo? In dhibaato dhacdo reer Puntland waa ka taxadaraan wax walbana Maslaxo iyo wada hadal ayay ka doorbidaan, waxayna ila tahay in la joogo waqtigeedii munaasibka ahayd mar haddii doorashadii taagan tahay oo Hal Bil ka harsan tahay.

Puntland waa la wada dhistey taladeeduna dadkeeday ka dhaxaysaa, Dowladdu waa shacabka, shacabkuna waa dowladda sidaas bay isugu xiran yihiin ( Gacmo wadajir bay wax ku qabtaan), Khilaafkan waxaa looga bixi karaa Xukuumada oo wadatashi yeesha kulamana la qaadata Murashaxiinta, Seen bari Xukuumadu way ka dhago adagtahay in talada ay dadka la wadaajiso, Nidaamkii Fashilmey ee Xisbiyada Puntland intaysan dhibaatooyinku ka dhicin Gaalkacyo iyo Qardho waxaa muddo baaqyo soo saarayay Waxgaradka Beelaha Puntland kuwaas oo ku baaqayay in la joojiyo nidaamka khaladaadka ku jirana la saxo oo laga wada tashado, Xukuumadu way diiday dhib ayaana ka dhacay oo dad ba aku dhintey maalinkii dhibku dhacay ayay xukuumadu go’aansatey inay joojiso oo uusan nidaamku soconayn kadib markii ay Beesha Caalamku kula taliyeen, Waayo Garowe waxaa ku sugnaa maalinkii dhibaatooyinku dhacayeen Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo isha ku hayay Nidaamka Xisbiyada Puntland, Dhibaatooyinkaas dhacay waxaa keenay tala diidkii Xukuumada, Maanteyna waa sidii oo kale waa inaysan Xukuumadu dhagaha ka furaysan Murashixiinta Doorashada kula tartamaya oo xaq u leh inay helaan xaqii Madaxwaynuhu raadinayay 2008-dii.

W/Q: C/qaadir Warsame Yuusuf

Abdiqadir72@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles