Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Japan oo sheegtay inay Soomaaliya garab istaageyso[Sawirro]

$
0
0

3

Muqdisho[RBC Radio]Xukuumada Japan ayaa si cadd u xaqiijisey inay ka go’antahay sidii dalka ay dagaalladu la daggeen ee Soomaaliya u garab istaagi lahaayd,waxana arrintan ay timid kadib markii uu Muqdisho  soo gaaray Hideo Eguchi oo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA).

Mas’uulkan waxaa ay Muqdisho ku wadda shireen wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya  Dr. Jamaal Mohamed Barro,waxana kulankooda qpraal laga soo saaray lugu sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta .

Dr. Jamaal Barrow ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay lataliyeyaasha dhinacyada horumarinta xiriirka Caalamiga iyo qorsheynta siyaasadda ee WasaaraddaHussein Elabe Fahiye iyo Mohamud Muse Tarey, waxaana looga dooday madashaasi kaalinta dowladda Japan ee ku aadan dib u dhiska dalka,maalgeshiga iyo horumarinta xiriirka labada dal .

1

Kulankani ayaa waxa uu imaanayaa xilli 18 xubnood oo kala matalayay hey’adaha kala duwan ee dowladda ay howlo shaqo u tageen bishii hore ee November Magaalooyinka Tokyo ,Yokohama  iyo Sendai , iyaga oo  booqasho loo kala geeyay xarumaha ganacsiga , warshadaha,dekedaha iyo goobaha Tsunami-ga uu saameeyay ee dalkaasi Japan .

Xiriirka Soomaaliya iyo Japan oo dhinacyo badan leh ayaa soo taxanaa muddo aad u fog , waxaana  xusid mudan in xiriirkaasi uu sii xoogeystay  sanadihii dambe .

2

4

1
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles