Beledweyne[RBC Radio]Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa xalay weerar ku qaaday hoyga uu ka daggan yahay Korneyl Xaashi Xuseen Diiriye oo ka mid ah saraakisha gobolka Hiiraan ciidamo ka tirsan xoogga Al Shabaab.
Ciidamada ka tirsan Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday hoygii uu Waqooyiga Magaalada Baladweyne ka degganaa Korneyl Xaashi Xuseen Diiriye,ayaa la sheegay inay rasaas huwiyeen illaa ladda Kornelka markii ay muddo socatayna ay usuura gashay ciidamadi Al Shabaabka ahaa inay dilaan Korneyl Xaashi iyo illaaladisa.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Maamulka oo ka ag-dhawaa halka lagu dilay Sarkaalkaan, ayaa ku soo baxay rasaastii ka dhaceysay hoyga lagu weeraray Korneyl Xaashi Xuseen Diiriye.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada amniga ee magaalada Beledweyne,inkasto wararka qaar ay sheegayan in gacanta lagu soo dhigay, dagaal-yahano ka tirsan Shabaabka, oo ku dhaawacmay israsaaseyntii ay isweydaarsadeen ilaaladii Korneyl Xaashi.
_______
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne