Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Villa-Somalia : Saacid na dhaaf maxaa Xigi doona!!. W/Q Maxamed Cali Madhoodhe

$
0
0

 Villa-Somalia : Saacid na dhaaf maxaa Xigi doona !!
Maxamed Cali Madhoodhe
madhoodhe_251@hotmail.de
Diseembar 09 2013

 

maxamed-c-madhoodheTan iyo intii ay kalsoonida kala laabteen Xildhibaanadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliyeed Xukuumaddii uu hogaaminayey R-wasaare Mudane Cabdi faarax shirdoon (Saacid) ayaa waxaa ay kulamo ka socdaan xarunta madaxtooyadda ee Villa-Somalia, halkaas oo uu kulamo madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud kula leeyahay musharixiin u taagan inay buuxiyaan jagadaas , asagoo ka dhex xulan doona xubintii buuxin lahayd Jagadaas uu baneeyey R-wasaare Cabdi faarax Shirdoon kaas oo uu dastuurka dalka u degsani u ogolaanayo inuu madaxweynuhu soo magacaabo R-wasaare soo dhisa xukuumad tayo leh oo hogaamisa dalka ka dibna Baarlamaanku codka kalsoonidda siiyo.

Raadraac

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud ayaa Xulashaddii hore ee R-wasaaraha ku soo xushay saaxibtinimo iyo is kooxeysi kooxo kale gedisan oo xiligii doorashada maxadweyne Xassan Sheekh ka hor la sameeyey si ay ugu guulaystaan jagadda madaxweyneenimo ka dibna jagooyin harey u qaybsadaan , kooxahaasi waxey kala yihiin sidan .

1. Kooxo isugu jira Aqoonyahano,Ganacsato, Culimo, waxgarad ku bahoobey doorashadda Xassan Sheekh kuwaas oo ka soo jeeda Degmaayinka uu ka kooban yahay Gobolka Galgaduud(Dhusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq & Ceelbuur) iyo Labada Degmo ee Xarardheere iyo Hobyo, hana la haadaan ujeedo kasto oo ay ku raadinayaan sida kaalinta ugu sareysa Hogaaminta Siyaasadda dalka,Xilal sarsare, helida dhaqaale, ka hor imaadka Federalka IWM. Kuwaas oo uu ka mid ahaa R-wasaare Saacid iyo kooxdiisu.

2. Kooxo isugu jira kuwo Diimeed ,Aqoonyahano iyo Ganacsato oo kala gedisan lehna ujeedo mid ah nidaam habka Dowladu u shaqeeyso khilaafsan oo ay rabaan mid Private ah sida ayagoo gacantana ku haya dhamaan Goobihii Waxbarashada ,Ganacsigii Dalka (Xawiladihii, Telefonadii, ganacsiga guud iwm), Ha´ayadihii kheyriga ahaa ama kuwa wax caawiya kuwaas oo kaalmooyin ka hela kuna tiirsan Wadamo dhowr ah sida dalalka Carabta iyo kuwo Muslimiin ah, waxaana ka mid ahaa kooxdiiLacagihii doorashada lagu helay dibadaha ka keenay oo qaybta ugu weyn bixiyey iyo kuwo kuraastii Baarlamaanka gadey si ay codka ugu helaan . Waxaana ka mid Kooxada Damuljadiid iyo kuwo shaati rogtey oo hore Al-itixaadka u ahaa waxayna u badan yihiin Beelaha laga tiro badan yahay ama kuwa laga degaan badan yahay , waxaa kaloo ku jira kuwo ka yimid Beelo badan ama dhulweyn leh oo dantoodii(madaxtinimo ku hel & dhaqaale) iyo mabdo´ooda raacsan wakiilna uga ah meelihii ay ka yimaadeen , welina wey socotaa is balaarintu waxay tartamo ugu jiraan ilaa kuwo kooxahaasi ay qabsadaan oo madaxweynayaal ka noqdaan Dowlad Goboleedyada Federalka ah.(qorshe dheer oo sidii Akhwaanul muslimiinka Masar))

3. Kooxdan 3-aad waa koox daba taagneyd kuwaas 2-da kooxood ee hore taageero iyo xayesiimo la garab taagnaa, waana koox Aqooyahano, Ganacsato iyo Qurb- joog ah oo isugu jira taageerayaashii xilligii qabiilka, kuwo haraagii maxakiimta iyo kuwo qaraabo dhow ah la ah madaxweyne Xassan oo aan arag wax dowladnimo ah iyo meel ay ka shaqeyn jirtey midna ,wax aan maqal dhaafsiisneyn mooyee , magacooda la yiraahdo “Ciyaalka Xaafadda“ waxayna ku shaqeeyaan dhaqan ah Xamar anaa taabsadey, Dowladda aan keensadey xagee lacagi taal(Where is money) Iwm , oo Soomaali xaaladeeda burbur iyo colaadaha kala geeyey meesha ay mareyso war ka hayn waana koox Musuqmaasuq iyo wax boob u fadhiya, waxaana isfahan fiicani ka dhaxeeyaa Damuljadiid wax walba oo ay iska kaashadaana wey marsiiyaan Madaxweyne Xassan Sheekh ha fiicnaato ama ha xumaatee!!

Xulashada R-wasaaraha Cusub ee Madaxweyne Xassan Sheekh

Sida aanu wada ognahay maalmihii ugu danbeeyey waxaa aad u mashquul badneyd Xarunta Villa-Somalia taas oo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu kulamo gooni gooni ah la lahaa musharaxiinta jagadaas baahida u qaba ama jecel inay Xukuumadda Dalka hogaamiyaan, Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa miiska u saaran sida aan xogaha ku helayno musharaxiin gaaraya 7 ilaa 10 xubnood oo laga soo dhex xulay CV-gooda ama taariikh nololeedkooda tiro intaas ka sii badan , waxaana kuligood lagu sheegay inay ka soo jeedaan Beesha Daarood . “wey dhici kartaa tiro yar oo beelaha kale ah inuu Madaxweynuhu Gowska danbe uu ku haysto haddii dani uga badan weydo, iyadoo ay jiro sida cad inuu madaxweynuhu balan qaad siiyey musharaxiin ka soo jeeda Dirta-waqooyi (Somaliland)!!“.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qodobo 4 ah u sheegay xildhibaanaddii Daarood ee uu la kulmey inay muhiim u tahay shaqsiga ama qofka buuxinaya jagadaas R-wasaaraha DFS

1. Inuu yahay qof ama shaqsi aqoon sare leh

2. Inuu yahay qof nidaam dowladeed ka soo shaqeeyey ama aqoonteed leh

3. Inuu yahay qof Wadammadda safka hore ahi Xaasaasiyad ama colaado siyaasadeed ka qabin

4. Inuu yahay qof Beesha Caalamka xiriir wanaagsan la leh.

Haddaba marka aan intaas ku soo koobno dariiqa uu u marayo madaxweynuhu Xulashadda Xubintii buuxin lahayd jagaddas R-wasaaraha, waxaa rabnaa inaa soo qaadano dhowr qodob oo aan is leeyahay armey isweydiin mudan yihiin ama howshu ka sii adag tahay.

1. Ma ogyihiin madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxda ku hartey iney tegista R-wasaare Saacid dhumiyeen Udub-dhexaadkii ama Tiirkii ugu weynaa ee ay ku tiirsanaayeen(Artical 1) kaas oo ah inay waayeen Saaxiibaddii iyo kooxihii Gobolka Galgaduud ugu awooda badnaa sida Dhusamareeb,Cadaado, Caabudwaaq . Sidoo kale ma sameyn karaan kalsooni lagu aamino madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxdiisu haddii ay damcaan inay soo dhaweystaan ama isku tiiriyaan oo ay u buuxiyaan booskii Saacid iyo Kooxdiisu baneeyeen Bulshaweynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala gedisan oo ay awel iska fogeeyeen iyo maamuladda aan wada shaqeyntu ka dhaxeyn iyo maamuladii ay burburintooda iyo naceybkooda meel walba ay la taagnaayeen madaxweyne Xassan Sheekh iyo Damuljadiid.

2. Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxdiisu oo maanta Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkuba ku soo jeedo ma noqon karaan kuwa 70-80% shaqada Xukuumadda faraha uga qaada R-wasaaraha cusub . mise joojin doonaan dhaqamadda iyo ceebaha foosha xun ee is daba jooga ah oo aysan jeclaysan ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka Deeqda bixiyaa, si kalsoonidii iyo qadarintii ay mar kale u helaan ?

3. Madaxweyne Xassan Sheekh diyaar ma u yahay inuu wax ka qabto Amniga Caasimadda, Dilalka Xildhibaandda ee qorsheysan, musuqmaasuqa dhaqaale ee la boobayo(where is money), Hantida Guryaha ah ee ay Xamar ku boobayaan(Tarzan-warlord iyo Horjoogayaashii xaafadaha),Colaadaha Goboladda, la dagaalanka nabad-diidka, dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo ummadda Soomaaliyeed dhamaan iyo inuu wanaajiyo xiriirka maamuladda jira hadda kuwa dhismayana uu gacan siiyo kuna taageero.

Gabogabo

Waxaan ku soo koobayaa qormadan anigoo og inay adag tahay waxa ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku rabaan inaysan ku qanceyn ama aysan yeelayn Damuljadiid iyo kooxaha la socdaa , umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuna ku qanci maayaan sida ay wax u maamulayaan ama dariiqa halaaga ah ee ay Damuljadiid iyo kooxdooda ku socdaan. marka aniga waxaan fikirkayga ku odhan lahaa Armey fiican tahay inuu Madaxweyne Xassan Sheekh soo xusho qof asaga sida uu jecel yahay oo wanaaga ummadda ah ula shaqeeya( waana sida ay tahay), balse haddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ku qanci waayaan ama ka niyad jabaan mar labaad sida aad howsha u maamuleysaan ama u maareynaysaan fadlan waxaan kula talin lahaa inaysan Dowladnimadda naga Burburin oo aad Ummadda Soomaaliyeed ku soo wareejisaan( isqabqabsi,isku-dhejin iyo madax-adeyg waa burbur salkiis) , hore ayaa madaxweynayaal xukunka si nabad ah uga degeen markii xiligoodii dhamaadey sida AUN Aadan-cadde iyo Sheekh Shariif , kuwa iska dhiibey sida AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf na xiligiisa oon dhamaan. Ujeedadooduna hal qudha wada ahayd inay ummaddaas Soomaaliyeed ee xilka u dhiibatey u celiyaan oo ay ugu tudhaan.

Dhamaad:-

Maxamed Cali-madhoodhe

Madhoodhe_251@hotmail.de

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles