Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Abu Mansuur al-amriiki: Waa Wax lala Yaabo in Alshabaab &Mareykanku ay si Isku Mid ah ii Baadi Doonaan si ay ii Dilaan

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Cumar Xamaami oo alshabaabka dhexdooda looga yaqaano Abu Mansuur Al-amriiki ayaa ka hadlay lacagaha dowlada wadanka Mareykanku ayn ugu yaboohday cida soo sheegtay macluumaad ku saabsan ama disha wuxuuna ku tilmaamay lacagaha ay dowlada Mareykanku madaxiisa dul dhigtay iney tahay wax lala yaabo.

Abu Mansuur Al-amriiki ayaa barta uu Rwitterka ku leeyahay soo dhigay warka uu kaga hadlayo lacagaha ay ku baadi dooneyso dowlada Mareykanka wuxuuna sheegay in hada xaaladiisu ay tahay mid ku jirta ciriiri isla markaane uu yahay nin baxsad ah oo ku dhuumaaleysanaya meel ka mid ah dalka Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay ay si weyn isku khilaafeen hogaamiyaasha alshabaab.

Abu Mansuur Al-amriiki ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in alshabaab iyo dowlada Mareykanku ay si isku mid ah u ugaarsadaan wuxuuna isweydiiyey su’aala dhowr ah isaga oo la fajacsan dhibaatada ku haystada dalka Soomaaliya taasoo ah inuu bartilmaameed u yahay kooxdii uu markii hore bah wadaagta la ahaa ee alshabaab iyo wadanka uu kasoo jeedo ee Mareykanka.

Al-amriiki oo 28 jir ah ayaa soo galay dalka Soomaaliya sanadkii 2006 markaas oo uu ka mid noqday maxaakiimtii Islaamka ee qabsaday koonfurta dalka Soomaaliya isagoona wixii xiligaa ka danbeeyey ka mid noqday saraakiisha sare ee ururka alshabaab ka hor inta aysan dhawaanahan fikirka ku kala tagin ragga ugu sareeya alshabaab waxaa la sheegaa inuu ka baxsaday alshabaa b kadib markii ay amar ku bixiyeen in madaxa laga jaro.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles