Muqdisho(RBC Radio) Wasaaaarada gaashaandhiga dowlada ayaa ka tacsiyeeysay geerida ku timi Jen. Cabdi Guuleed taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ayaa tacsi u diray ehelada,qarabaada,saaxiibada,ciidamada qalabka sida iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay marxuum Cabdi Guuleed alla ha u raxmadee.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ku dheeraaday amaanta taliyaha geeriyooday Cabdi Guuleed wuxuuna tilmaamay inuu ahaa halyey qaran oo wax la taaban karo oo ay taariikhdu xusi doonto uu usoo qabtay ciidamada qalabka sida intii uu ka tirsanaa,wuxuuna Alle uga baryay inuu siino Naxariistiisa.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Gen.Cabdi Guuleed uu mudo dheer uu yaqaanay isla markaane uu ahaa nin naftiisa u huray dhisida iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna sheegay inuu mudo dheer ka tirsanaa qaybta Taangiyada ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu tababare ka ahaa isagoona ugu danbeyntii noqday taiyaha ciidanka xooga sanadkii 2000 markaaso oo dowlad kumeelgaar ah lagu soo yagleelay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka xooga ayaa si isku mid ah u qiray in alla ha u naxariistee Gen. Cabdi Guuleed uu ahaa sarkaal wax weyn usoo qabtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu kasoo mid ahaa muddo dheer.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho