Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Musharax Cali Cabdi Awaare oo u taagan jagada Madaxtinimada Puntland 2014.
Shacab gaaraya boqolaal isuguna jiray aqoonyaha,siyaasiyiin,issimo,cuqaal ,haween ,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo badan ,kuwaas oo sitay boorar iyo sawir lagu xardhay magaca Musharax Awaare.
Musharax Cali Cabdi Awaare oo kamid ah Siyaasiyiinta muga ku leh Puntland ayaa markii uu soo dagay shacabka kula hadlay garoonka kubada cagta ee Boosaaso,wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta sare ay u sameeyeen bulshada ku dhaqan magaaladda.
Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay inuu ku guuleysanayo doorashada 8 Janaayo 2014,maadaama uu yahay musharaxa kaliya ee aan dalka dibad uga bixin dareemayana baahiyaha shacabku qabaan.
………..”””Inshaa Allaah waan guuleysan doonnaa doorashada bisha January…xaq baynu u leenahay inaynu guuleysanno, inta dalka joogta oo dadkooda dhibka iyo dheefta la qaybsatay ayaa xaq u leh…..’’’’’ayuu yiri.
Musharax Awaare ayaa cadeeyey in ay ka go ‘an tahay inuu wax badan u qaban doono Shacabka reer Puntland isla markaana Jecel in Puntland gaarto horumar ballaaran.
…….”””Anigu muwaadin Puntland kasoo shaqeeyey oo jecel horumarkeeda baan ahay, haddii aan wax waayo iyo haddii kale marna kama tegi doono…doorashadii hore inti ila tartantay C/raxmaan Faroole ayaa ka jooga, waan hubaa isna haddii uu wax waayo inuu Australia aadi lahaa…’’’’’ayuu yiri .
Sidoo kale Musharax Awaare ,wuxuu tavsi u diray dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii shantii bishan lal beegsaday Ciidamo iyo dad shacab ah,dagaaladii gobolka Sool iyo dadkii waxyeeladu u geystay duufaantii ku dhufatay deegaanada Puntland qaar kamid ah.
Dhanka kale,wuxuu Tavsi u diray AUN Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed(Faysal) oo Muqdisho lagu dilay iyo Beeldaaje Axmed Beeldaaje Maxamed oo isna kamid ah Issimada Puntland sida weyn looga yaqaanay oo ku geeriyooday magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii soo maray Puntland,wuxuuna 2009 isku sharaxay xilika madaxtinimada Puntland,waana Musharax kaliya ee diyaarad khaas ah ku yimid magaaladda Boosaaso.
___________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com