Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax Cabdiweli Gaas oo maanta la kulmay Madaxda Rugta Ganacsiga Iyo Ganacsatada Puntland [Sawirro+VIDEO]

$
0
0
Guddoomiye Siciid Ciid oo soo dhaweynaya Musharax Cabdiweli Gaas

Guddoomiye Siciid Ciid oo soo dhaweynaya Musharax Cabdiweli Gaas

Boosaaso[RBC Radio] Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ee Boosaaso halkaas oo u kula kulmay ganacsatada.

Musharax Cabdiweli Gaas ayaa,waxaa kusoo dhaweeyey xarunta  ,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid,waxayna kulan la qaateen Madaxa iyo qaar kamid ah ganacsayada Puntland.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid,  oo kulanka ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimid Musharax Cabdiweli Gaas..

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Xuseen Ciid

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Xuseen Ciid

….”Waxaa sharaf u ah Rugta ganacsiga Puntland iyo maamulkeeda iyo ganacsatada inuu nagu soo booqday xafiiska Rugta ganacsiga Mudane Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxtinimada dowladda Puntland……”””ayuu yiri.

Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa ku tilmaamay booqashada Dr Gaas in ay u muujineyso ahmiyada uu u hayo ganacsiga iyo ganacsatada Puntland taas uu uga mahadcelinayo Musharaxa.

………””’ Waxay noo muujineysaa ahmiyada uu u hayo ganacsiga iyo ganacsatada  aad iyo aad buu ugu mahadsanyahay waana soo dhaweyneynaa ,wixii warbixin ahaana waan kala qaadanay ………..””’ayuu yiri Siciid Xuseen Ciid.

Musharax Cabdiwe;i Gaas

Musharax Cabdiwe;i Gaas

Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa sheegay iney Madaxda Rugta iyo ganacsatadaba kawada hadleen sidii lagu horumarin lahaa ganacsiga iyo horumarka Puntland.

Sidoo kale,wuxuu sheegay in ay kawada hadleen sidii la isku waafajin lahaa Siyaasada iyo ganacsiga isla markaana wax badan la iska yiraahdo sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka dalkeena.

7………””’Waxaan aad uga wadahadalnay sida ugu wanaagsan Puntland waa qani, waa wadan dhaqaale badan leh marka in la is waafajiyo Siyaasada iyo ganacsiga ,in wax badan la iska yiraahdo sidaan uga faa’ideysan lahayn kheyraadka dalkeena,loo kobcin lahaa ganacsiga,loo kobcin lahaa wax soo saarka Puntland……””’ayuu yiri.

Musharax Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in loo baahanyahay iyada oo laga faa’ideysanayo khibrada ganacsatada in la gaarsiiyo horumar dhaqaale si adeegyadii bulshadda ay u baahneyd loo helo.

2

3

4

8

9

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles