Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharaxiinta Puntland oo ku Dhawaaqay Guddiga Khilaafaadka Iyo Soo Xulista Xildhibaanada [Sawirro]

$
0
0

03Boosaaso[RBC Radio] Musharaxiinta u taagan Jagada Madaxtinimada Puntland ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay Guddiga Khilaafaadka Iyo Soo xulista Xildhibaanada .

Kulanka ay ku yeesheen maanta gudaha magaaladda Boosaaso ayna Saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa,waxaa goob joog ka ahaa Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxtinimada Puntland ee kala ah.

01. Proff Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

02. Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar.

03. Dr Shire Xaaji Faarax.

04. Dr Yaasiin Faarax Cartan.

05. Cabaas Axmed Cabaas[Gacma-gaab]

06. Cabdullaahi Shiikh Axmed.

07. Musharax Madaxweyne Kuxigeen ENG Cabdullaahi Cali Xirsi(Timacade).

04Musharax Cabaas Axmed Cabaas[Gacma-gaab] oo Saxaafadda u akhriyey Xubnaha kamid ka ah Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo xulista Xildhibaanada Puntland isla markaana ay ku mideysanyihiin  Musharaxiinta Puntland.

Xubnaha kamidka ah Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo xulista Xildhibaanada Puntland ayaa kala ah:

  1. Eng. C/risaaq Xuseen Gacayte Gudoomiye
  2. C/nuur Maxamed Maxamuud (Ubaalle) – Xubin
  3. C/risaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal) – Xubin
  4. Siciid Cismaan Aadan – Xubin
  5. Maxamed Yuusuf Cabdi (Qoryooley) – Xubin
  6. Cawil Xaaji Maxamed Ducaale – Xubin
  7. Siciid Xasan Ibraahim Warmajaale – Xubin
  8. Faysal Cabdi Diiriye – Xoghaye

Musharax Gacma-gaab ayaa tilmaamay in Guddiga ay maanra magacaabeen kusoo xuleen aqoonta iyo kartida ay leeyihiin isla markaana ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole iyo beesha Caalamka iney u fududeeyaan hawshooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa bishan Saddexdeedii ku dhawaaqay Guddigan maanta ay ku dhawaaqeen Musharaxiintu mid dhigiisa ah  isla markaana uu Guddoomiye uga dhigay ENG Yuusuf Abshir Cadami.

 0201

_____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles