Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaal wasiirka arrimaha guddaha kala hadlay sii deynta Sh. Xasan Daahir Aweys

$
0
0
C/kariin Xuseen Guulleed

C/kariin Xuseen Guulleed

Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Mqudisho ee caasumada Soomaaliya waxaa ka qab-soomay kulan dhex maray Odayaal dhaqameed iyo ku-simaha wasiirka arrimaha guddaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guulleed,waxana looga hadlay sii deynta  Sh. Xasan Daahir Aweys oo dowladda u xiran.

Kulanka Odayaasha iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka qaranka dowladda Soomaaliya kama aysan qeyb galin saxaafadda waxana la sheegay inuu ahaa kulan xasaasi ah oo doodo dhaadher la is dhafsadey.
Ma jirto cid ka wrabixisay kulanka oo saxaafadda la hadashey,balse mid ka ah  Odayaashi ka qeyb galay shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in kulanka an wax na tiijo ah laga soo saarin,balse waxaa uu xaqiijiyey in markale loo balamay kulan la xiriira kawadda hadlida sii deynta  Sh. Xasan Daahir Aweys oo muddo shan bilood ah u xiran dowalda Soomaaliya.

….”"”Kulanka Odayaasha waxaa ay wasiirka kala hadlen in la sii daayo  Sh. Xasan Daahir Aweys oo muddo shan bilood ah u xiran dowalda Soomaaliya,balse ma jirto wax na tiijo ah oo ka soo baxay,in kasto la balamay in mar kale la isgu yimaado shirkaan oo kale…”"”ayuu yiri mid ka mid ah Odaashi ka qeyb galay shirka.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay  wasiirka arrimaha gudaha oo ku aadan  shirka uu maanta la yeeshay odayaasha, kaasoo looga hadlay sidii dowladdu ay kusii dayn lahayd Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Si kastaba Sh Xasan Daahir Aweys oo horrey ugu tirsana Al-Shabaab ayaa waxaa uu   ka soo goostay  Al-Shabaab bishii Juun ee sannadkan,ayaa waxaa Muqdisho keenay oo dowladda faderaalka u gacan galiyey  odayaal iyo xildhibaanno,waxana dowladda faderaalka xilligii ay gacanta ku dhigtay Sheekha ay u taxabtay xabsi,iyadoona ay tasai keentay inay fa shilmaan isku dayo badan oo lugu doonayey in dowladda looga sii dayo  Xasan Daahir.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles