Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax Cabdullaahi Shiikh Axmed oo la Kulmay Qeybaha Kala duwan ee Bulshadda Boosaaso[Sawirro]

$
0
0

DSC02156Boosaaso[RBC Radio] Musharax Cabdullaahi Shiikh Axmed oo u taagan Jagada Madaxtinimada dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

Kulanka oo ahaa qado ayaa,waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cadde Muuse,Issimo,aqoonyahan,ganacsato,culuma’udiin  iyo xubno kala duwan.

Musharax Cabdullaahi Shiikh Axmed oo  kulanka kasoo soo Jeediyey qorshihiisa Siyaasadeed ayaa sheegay in uu noqon doono mid ka badelan ballanqaadyada ay sameeyaan Musharaxiinta kale.

…….”” Barnaamij waa weli,waxaasaan qabanayaa iyo waxbaan jeexayaa iyo waxbaan ka fiicnaanayaa ‘Cabdirixmaan Faroolaba wax buu akhriyey waa la qoran karaa weynu ka hadli doonaa wan Jeclahay inaan ka hadlo marxaladeeda……””ayuu yiri.

DSC02177Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumadiisa ayuu ku dhaliilay ineysan la imaan waxqabad muuqda mudadii ay xafiiska joogtay,wuxuuna intaas ku daray in  dhibaato weyn loo geystay dadka dega gobolka Sool tallaabadaasina uu mas’uul ka yahay maamulka Puntland.

Mar uu ka hadlayey dhanka qaraxii lsmiidaaminta ahaa ee Boosaaso lagu laayey Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dad shacab ah ayuu sheegay in uu tacsi  u dirayo dadkii ku dhintay kuwa dhaawaca ahna EEBE uga baryey Caafimaad taam ah.

DSC02168Guddoomiyaha Guddiga Wadatashiga Bari Iyo Sanaag Yuusuf Xaaji Siciid  ayaa xusay in Musharax Cabdullaahi Shiilh Axmed uu muujiyey in uu isbadel diyaar u yahay uu gaarsiinayo Puntland.,wuxuuna sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay Musharax.

Caaqil Maxamuud Siciid Aw-muuse  oo kamid ah Cuqaasha Puntland ayaa insa soo dhaweeyey Isbadelka uu ku dhawaaqay Musharax Cabdullaahi Shiikh Axmed balse Isbadelkaasi uusan noqon mid dadka aysan ku kala fogaan.

Dr Cabdiqaadir Cali Kiwir oo isna hadal kasoo Jeediyey kulanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in Ummada uu hoggaamiyo kan wax u qaban kara balse la iska daayo in qabiil wax lagu raadiyo.

DSC02158

DSC02165

DSC02167

DSC02169

DSC02172

DSC02169

 

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles