Garoowe (RBC RADIO) Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Qaybta Gobolka Nugaal Faarax Warsame C/raxmaan isagoo xilkaasi usoo magacaabay Gaashaanle dhexe C/raxmaan Xaaji Abshir kadib markii la dareemay amni xumo dhanka Caasimada ah oo 15 February lagu dilay Alle ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Magaalada gudaheeda,iyadoo kulamo Magaalada ka dhacay oo ay yeesheen wax garad, ganacsato, iyo Maamulka Masuuliyiin ka socotayba lagu soo qaaday in Isbedel lagu sameeyo dhanka Taliska ee Gobolka.
Taliye Jaqanaf ayaa sheegay in ay doonayaan in Magaalada Garoowe aysan ka dhicin Falal Amniga lidi ku ah loona baahan yahay saraakiisha Amniga la magacaabay in habeen iyo maalin usoo jeedaan sugida nabadgelyada iyo ilaalinta dadka Haldoorka ah ee Bulshada ku dhex jira oo ay qayb ka yihiin Shiyuukhda, wuxuuna taliyuhu sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah Taliyeyaasha hoose ee Gobolka isagoo sidoo kale umagacaabay taliye Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Garoowe.
Gaashaanle Dhexe C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa Xilkan waxa uu u noqonayaa markii 2baad ee uu qabto iyadoo dad bdan ay aaminsan yihiin in uu yahay Nin ad-Adag islamarkaana waajibkiisa kasoo baxa xiligii uu Xilkan hayayna ay Magaaladu kala dambayn ka jirtay hase ahaatee hada wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Magaalada Dilal qorshaysan oo aad looga argagaxay ay ka dheceen.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka ee Garoowe.