Muqdisho[RBC Radio]Waxaa dib loo dhigay muddo hal maalin ah maxkamadeynta gabar wariye ah oo sheegtay in la kufsadey iyo wariye isagu wareystay.
Waxaana dibu dhigista kiiskan ay timid kadib markii xeer illaalinta qaranka ay go’aamisay in markale la isugu soo laabto gudda galka kiiskan,iyadoona lugu waddo in markale dib loo furo Isniinta ina soo aadan.
Labadan wariye ayaa iyagu ku sii jiri doona xabsiga,illaa inta la gaarayo xilliga ay balimisay maxkamada,waxana lugu kala magacaaba wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Faaduma C/qaadir.
Xariga labadaan wariye wxaaa ku waheliya milkiilihii Idaacadda Shabeelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, oo toddobaadkii 3-aad u xiran dowladda.
Mana jirto cid wali ka hadashey waxaa loo haysto milkiilihii Idaacadda Shabeelle C/maalik Yuusuf Maxamuud oo xilligaan xiran,dowladda Soomaaliya iyo maxkamada gobolka Banaadir iyaguna wali kama aysan hadlin xariga C/maalik.
Isku soo wada dubo maxkamada labada wariye ayaa Isniinta kala cadayn doonto kiiska gabadha sheegatay in la kufsaday in uu yahay mid sax ah iyo in uu yahay mid been abuur ah.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho