Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya ahna R.wasaare ku xigeenka dowlada ayaa maanta kulan la qaadatay gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya oo ka dalbaday iney hortimaado xubnaha gudiga si ay wax uga weydiiyaan hawsha wasaarada arimaha dibada isbarasho kadib ayey Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan gudiga arimaha dibada baarlamaanka uga warbixisay istaaatiijiyada guud ee wasaarada arimaha dibada dalka iyo sidii loo soo celinlahaa hantida qaranka ee ku maqan wadamada caalamka
Wasiirada arimaha dibada ayaa ka warbixisay qorshaha wasaaradda sida qaab dhismeedka dajinta istaraatijiyadda, Arrimaha dibadda, cilaaqaadka Soomaaliya iyo waddamada adduunka, wada shaqeynta guddiga iyo wasaarada arimaha dibada dalka iyadoona sidoo kale ka jawaabtay su’aala dhowr ah oo ay hordhigeen gudiga.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada iyo gudiga arimaha dibada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayey sheegtay wasiirada arimaha dibada Foqziya Yuusuf Xaaji Aadan inuu hada kadib noqon doono mid joogta ah oo ay xili walba wada qaadan doonaan labada dhinac.
Gudoomiyaha gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Cosoble cali oo isne saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gudiga ay ku faraxsan yihiin wada shaqeynta kala dhaxaysa wasaarada arimaha diba wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in xiriirka wasaarada iyo gudiga uu noqdo mid wanaagsan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho