Paris [Sawirro]Qoddobo ka soo baxay shirkii looga hadlayay ammaanka iyo dhaqaalaha Qaaradda Afrika oo magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska lugu soo gaba-gabeeyey ayaa waxaa qeyb ka ahaa arrimihii la isla gartay in la sameeyo Banki ay wadda leeyihiin Afrika iyo Yurub.
Waxaa sidoo kale la isla gartay in la caawiyo Afrika oo dalal badan oo ku yaalla ay ka jiraan xaaladd kala gadisan,waxana la sheegay in laga caawin doonno sidii ay uga bixi lahayd xaaladda dhaqaale ee adag ee ay hadda ku jirto, iyadoo goobta laga sheegay in loogu deeqay lacag shanta sanno ee soo socta ay uga soo kabato dhaqaale xumada ay ku jirto, inkastoo lacagtaas cadadkeeda aan la cayimin.
Kaqeyb galayasha shirka waxaa ay falaan qeeyen oo ay isla soo qaaden dalalka Soomaaliya iyo Maali oo la sheegay in laga caawiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen xasiloni darida ka jirta ugana bixi lahaayeen colaadaha mudada ka jiray sida ay hadda yihiin aan lagu fursan.
Xilligii shirka oo muddo ka socday Paris uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay si wada jir ah madaxweynaha Farasniiska, Francois Hollande iyo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon,waxana ay shirkooda ku xaqiijiyeen in Qaaradda Afrika ay u baahan tahay in laga gacansiiyo sidii ay uga soo kaban lahayad dhaqaale xumida ka jirta oo laga caawiyo.
Madaxweynaha dalka France Francois Hollande oo uu dalkiisu shirkaan marti galiyey waxaa uu soo hadal qaaday in la xoojiyo ciidamada ku sugan labadaas dal waa Soomaaliya iyo Maali, iyadoo Qaramada Midoobay la kaashanayo, laguna maal-geliyo si ammaanka dalalkaas ay dib ugu soo celiyaan.
Si kastab hanoqote shirka kusoo dhamaaday Paris ee xarunta dalka Faransiiska ,ayaa waxaa uu yahay mid sannad leh ah,waxana sanndkan Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf oo hoggaaminayo wafti dowladda ka tirsan.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio