Muqdisho (RBC) Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka hadlay qaraxii shalay lagu dilay xildhibaan Maxamed Warsame Feysal ayaa sheegay in baaris lagu hayo qaraxaasi.
Warsame Joodax oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sidii uu qaraxu u dhacay ayaa sheegay in illaa hadda markii ay eegeen sia wax u dheceen ay u muuqato in dilka xildhivaanka la soo qorsheeyay, sida uu yiri.
“Illaa hadda waxaa jira baaris la wado, laakiin koleyba wuxuu noola muuqdaa qaraxan inuu mid la soo qorsheeyay.” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo la hadlay warbaahinta gudaha.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Warsame Joodax wuxuu sheegay in sida qaraxu u dhacay iyo xoogiisa uu ahaa mid hadafku ahaa xildhibaanka la dilay ee xildhibaan Maxamed Warsame Feysal.
Saraakiisha amaanka waxay kaloo xaqiijiyeen in saddex ruux oo kale oo mid ay ahayd haweeney baabuurka la saarneyd marxuumka ay ku dhawacmeen lana dhigay isbitaalada.
Faahfaahintan uu bixiyey guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa ah qeyb aad u yar oo ka mid tuhuno fara badan oo laga muujiyey dilka marxuum Feysal Maxamed Warsame oo shalay miino baabuurkiisa loogu xiray ay kula qaraxday afaafka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Dilkaasi waxaa cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudiyo raysul wasaaraha xilka ka degaya Cabdi Faarax Shirdoon oo ay xildhibaanka ahaayeen saaxiib.
Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo war saxaafadeed soo saaray ayaa dalbaday baaritaan buuxa oo dadweynaha iyo baarlamaankuba ku qancaan in lagu sameeyo dilka xildhibaanka.
Sidoo kale xildhibaano maanta ka hadlay aaskii xildhibaanka ee maanta ka dhacay Muqdisho waxay tuhun geliyeen in falkii lagu khaarajiyey marxuum Feysal inaanu ahayn ama u muuqan mid ay ka dambeeyeen kooxaha dawlada ka horjeeda.
Xildhibaanadaasi ka hadlay aaska oo uu raysul wasaare Saacid goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in marka kooxda Al Shabaab ay shirqool u maleegaan qof dawlada ka tirsan inay si toos ah u sheegtaan, balse waxay sheegeen in dilka xildhibaan Feysal illaa hadda cid sheegatay aanay jirin.
Hase yeeshee hay’adaha baarista dawlada federaalka oo aan looga baran inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan baaritaanada iyo dambiyada dhacaya ayaan illaa hadda ka hadlin arrinkan.
RBC Radio