Clik here to view.

Axmed Madoobe
Jig-Jiga[RBC Radio]Magaalada Jig-Jiga ee xarunta dowlad deegaannka Soomaalida Ethiopia,waxaa goor dhaweed gaaray wafti ballaaran oo ka socda maamulka Jubba.
Waftigaan waxaa hoggaaminayey Sheekh Axmed Madoobe,madaxa maamulka KMG ah ee Jubba.
Xilligii ay soo gaaran Jig-Jiga,waftigaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradda ee Wiil-Waal,waxana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay madaxda ugu sareeysa ee Ismaamulka Soomaalida dalkaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumur.
Xubnahaan ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyadda ee Jig-Jiga,inaksto inta aysan gaaran madaxtooyadda ay tageen halka laga dhisay taaladda cusub ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan taaso ku taalla bartamaha magaalada caasumada ah ee Jig-Jiga.
Ujeedada socdalka ay ku tageen waftigaan magaalada Jig-Jiga ayaa waxaa lugu sheegay inay la xiriirto ka qeyb galka xuska maalinta qawmiyadaha iyo shucuubta Ethiopia oo ay ka qeyb galayaan sagaalka kilil ee Ethiopia.
Munaasabada maalinta qawmiyadaha Ethiopia waxaa ay furmaysa maalinka barri ah,waxana ka qeyb galay madax kala gadisan iyadoona lugu soo bandhigi doonno munaasabadahaas hidaha iyo dhaqanka shucuubta kala gadisan ee ku nool Ethiopia.
______
RBC Radio
Xafiisa Jig-Jiga
Use Facebook to Comment on this Post
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.