Garoowe (RBC RADIO) Sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reer miyiga Puntland C/Laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir wuxuu tilmaamay in 3 Degmo oo horleh lagu daray barnaamijka JBLGKa oo Hay’adaha Midoobay ee Yurub ay Puntland ugu deeqeen,Degmooyinkaasina waxaa ka mid ah Galdogob, barran iyo Qandalla waxayna ka mid noqon doonaan Degmooyinka kale ee Puntland ee wadooyinka iyo Dhismayaasha kale loo hormarinayo.
Wasiirku wuxuu sheegay in wax badan ay ku taamayeen In Degmooyinkaasi ay Mashruucan gaarsiiyaan maadaama ay Puntland ka mid yihiin dadka daganna ay yihiin kuwo jecel nabada sidaa darteedna ay door bideen in Degmooyinka kale wax ay helaan ay la mid noqdaan taana ay guul kasoo gaareen kadib shir arimaha Hormarinta Degmooyinka looga hadlayay oo ay ka qayb galeen Wasiiro iyo Gudoomiye yaasha Degmooyinka Puntland oo Kenya ka dhacay.
Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali shire oo Isagana Saxaafada kula hadlay Garoonka xili ay soo dagayeen wuxuu tibaaxay in Lacag dhan laba iyo toban Milyan oo Dollar ay ku baxayso Mashruuca ay soo saxiixeen kaasi oo dhan walba hormar looga gaarsiinayo Degmooyinka Puntland dhawaanna uu bilaaban doono sida ugu dhasiyaha badan ayuu yiri Wasiirku.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.