Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo ah xildhibaano iyo odayaal ayaa maalmaha soo socda u xirxiran inuu u safro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Warar ku dhow xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegaya in xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay sii raaci doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo maanta magaalada Badhabo ay gaareen xildhibaano uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ujeedada socdaalka Jawaari ee Baydhabo ayaa lagu sheegay sidii uu uga qaybgali lahaa kulan beeleed ka socda magaalada Baydhabo kaasoo qorshihiisu yahay in lagu yagleelo maamul goboleed ka talin doona illaa lix gobol oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya kaaso loogu magacdary “Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya”.
Waxaa magaalada Baydhabo hadda ku sugan odayaal, siyaasiyiin iyo haween ka kala yimid Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose kuwaasoo lagu casumay inay Baydhabo kaga qeybgalaan shirkan maamulka lagu sameynayo.
Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo sanadkan horraantiisa booqasho ku tagay Baydhabo ayaa dhiirigaliyey dhismaha maamul goboleedkan, kaasoo dawlada masuuliyiinteeda sare ay ku kala aragti duwaanaayeen.
Dawlada Federaalka ayaa heshiis la gashay maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba oo sida ku qoran heshiiskaasi oo lagu saxiixay Addis Ababa, sheegayo in saddex gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo uu ka talin doono.
Ma cadda sida ay isku waaaqi doonaan heshiiska maamulka Jubba iyo Dawlada Federaalka dhexmaray iyo shirkan ka socda Baydhabo ee maamulka cusub loogu dhisayo lixda gobol.
Si kastaba guddoomiyaha baarlamaanka ayaa marka uu gaaro Baydhabo maalmaha soo socda waxaa la filayaa inuu la kulmo odayaasha, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee ka qeybgalaya shirka Baydhabo.
RBC Radio