Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Booliska Kenya oo Mombasa ku dilay nin lugu eedeyey argagaxisada

Mombasa[RBC Radio]War goor dhaweed ka soo baxay ciidamada Booliska dalka Kenya,gaar ahaana kuwa amniga ee ku sugan Mombasa,ayaa lugu sheegay in ciidamadu toogosho ku dileen nin horrey loogu eedeyey inuu ka tirsan yahay argagaxisada.
Waxaa la sheegay inay ninkaan ciidamadu ku toogteen bas gudihiis,waxana lugu sheegay magaciisa Xasan Suleymaan Mwayuyu,waxana boolisku ay ku eedeyen inuu ahaa nin tababarro ku siin jiray guddaha dalkaas xoogag ku biiraya kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dhallinyarada uu inta badan ka kexeyn jiray deegaannada Kwale, Changamwe iyo Kisauni.

Richard Mugwai oo ah Taliyaha booliska Kwale,ayaa sheegay in dilkaan uu dhacay xilli Xasan Mwayuyu uu ku dhex jiray bas yar oo la sheegay inay sarnaayeen racab.

 

….”"”Dilkaan waxaa uu dhacay aroornimadii hore ee saakay 8:00 aroornimo, Xasan Mwayuyu waxaa lagu dhex-toogtay bas yar oo ay saarnaayeen 29-qof oo rakaab ah…”"”"ayuu yiri Richard Mugwai oo ah Taliyaha booliska Kwale.

Waxana dilkaan uu imaanaya xilli horrey Xasan Nyiro oo ay walaalo yihiin ninka maanta boolisku togteen booliiska Kenya ku dileen bishii Juun ee sannadkan 26-keedii xaafadda Kisauni, kaasoo la sheegay inuu dhallinyarada u qori Al-shabaab tababarrana ku siin jiray gudaha Kenya.
Booliska Kenya ninka ay dileen maantay waxaa ay sheegen inuu horrey usoo galay danbiyo ay ka mid yihiin weerarro kala duwan oo lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Kenya, waxaana u suurogashay ciidamadu inay maanta oo Sabti ah toogtaan.

Si kastaba dalka Kenya ayaa waayadan danbe waxaa la sheegayey inay ku sii xoogaysanayey xubnaha xiriirka la leh Al Shabaabka ka dagaallama Soomaaliya.
________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles