Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Baydhabo gaaray

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Shariif Xasan Sheekh Aadan

Shariif Xasan Sheekh Aadan

Baydhabo[RBC Radio]Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxaa maanta gaaray wafdi uu hor-kacayo  guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan , halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shariif Xassan oo xilligaan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa socdalka uu Baydhbao ku tagay  ku waheliyey wafti isgu dhafan  wasiirro ka tirsan xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, dadweyne iyo mas’uuliyiin kale.

Warbaahinta ayaa isagoo si kooban ula hadlaya Shariif Xassan waxaa uu yiri “Imaatin keyga  aan ku imid Baydhabo waxaa ay tahay sidii an qeyb uga qaadan lahaa  howlaha shirka lagu dhisayo maamul goboleedka ee Baydhabo ka socda”

Sidoo kale waxaa la sheegay in waftigaan inta uu ku sugan yahay Baydhabo uu la shiri doonno bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee shirku uga socdo Baydhabo.
______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles