Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

RW Saacid oo Ka Qaybgalay Aaska Marxuum Xildhibaan Feysal oo Maanta La Aasay (Sawirro)

$
0
0

aaska_1Muqdisho (RBC) Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka ka qeybgalay aaska Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid halkaasi ka jeediyay erayo tacsi ah.

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Innaa lillaahi wa inaa illaahi raajicuun, xildhibaan Maxamed Warsame Feysal wuxuu ahaa nin geesi ah, Wadani ah, xaqa iyo xaqdaradu u kala saarantahay, weligiisna waxa uu qabo aanan ka leexan, si cadna u sheega, wuxuu ahaa dadka maanta Soomaaliya u baahan tahay dadka ugu horeeya, Alle ha u naxariisto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay inay dishay gacan ka xaq daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale yiri. “Wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u Halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa Feysal ma dhiman, waa noolyahay, waana in looga daydaa sidii uu runta u sheegi jiray”.

1

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray Sidoo kale, si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

8

7

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles