Baydhabo[RBC Radio]Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaabo ka helaya kuwa Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay ayaa la wareegay waddada isku xirta degmooyinka Qansax-dheere iyo Awdiinle ee gobolka Baay.
Saraakiisha ciidanka waxaa ay sheegen in jidkaan uu muhiim u yahay isku socodka gobolkaasi Baay.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Berdaale Maxamed Isaaq Qare-case oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waddada ay muhiim u ah isku xirka bulshada gobollada Baay iyo Gedo ay horray u xirtay Al-Shabaab.
Guddoomiyuhu waxaa uu xaqiijiyey in ujeedkoodu uu yahay dib u soo celinta isku socodka dadka deegaanka, waxana uu inta ku daray inay ciidanku fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Kurtun iyo tuulooyin ku xeeran.
…”"”Ciidamadu waxaa ay la wareegen waddada oo muhiim u ah isku xirka bulshada gobollada Baay iyo Gedo ay horray u xirtay Al-Shabaab,waxana arrin si weyn wax ugu tari doonta bulshada gobolka…”"”"ayuu yiri Maxamed Isaaq Qare-case.
Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday Qare-case in xaalad nolol-xumo ay ka jirto tuulooyinka hoos tago Qansax-dheere iyo Awdiinle.
Arrintaan waxaa ay ku soo aadaysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay ay muddooyinkii ugu dambeeyay waday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmooyinka gobolka.
______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo