Kismaayo[RBC Radio]Munaasabad ka dhacday saakay xarunta madaxtooyada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa waxaa looga dhawaaqay Wasiirada Maamulka Jubba kamid noqonaya.
Xubnaha wasiirada ah ee xilligaan lamagacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin illaa 8-wasiir iyo madaxweyne ku-xigeen labaad waxana la sheegay in dhawaan lugu dhhawaaqi doono wasiiro iyo wasiiro ku-xigeeno kale.
Munaasabada marka ay soo xirantay saxaafada waxaa uu akhriyey wasiirada xilligaan lugu dhawaaqay C/naasir Seeraar Maax Afhayeenka Maamulka Jubba,waxana wasiirada soo magacaabay hoggaamiyaha maamulka Jubba,Sheekh Axmed Madoobe.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar ayaa xilligii uu akhrinayey dikreetada ka soo baxday madaxweynaha maamulka Jubba ee lugu magacaabay wasiiradda waxaa uu sheegay in magacaabista lagu saleeyay nidaamka awood-qeybsiga ee beelaha dega deegaannada hoos taga maamulka.
Sidoo kale xubnaha guud ee wasiirrada maamulka ka mid noqonaya waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo ilaa 15 xubnood, iyadoo uu dhowaan madaxweynuhu soo dhameystiri doono tirada hartay.
Hoos ka akhri dikreetada lugu magcaabay wasiiradda
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio