Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jig-jiga oo looga diyar garoobayo xuska Qomiyadaha dalka Ethiopia

$
0
0
Jig-jiga oo u diyaar ah xuska maalinka qoomiyadaha

Jig-jiga oo u diyaar ah xuska maalinka qoomiyadaha

Jig-jiga[RBC Radio]Magaalada Jig-jiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia,waxaa si weyn looga diyar garoobaya xuska Maalinta Qomiyadaha dalka Ethiopia oo xafladeeda lagu qabanayo Magaalada Jig-jiga.

Qabashada xalfadaha lugu xusayo Maalinta Qomiyadaha dalka Ethiopia ee Jig-jiga waxaa ay ka dhigaysa in markii ugu horreysay lugu qabto munaasabadaasi,waxana xilligaan loogu diyar garoobay si weyn.

…”"”Jig-jiga waa u diyar inay marti galiso Qomiyadaha dalka Ethiopia,waxana hadda nasoo gaaray inta badan madaxdi loogu talla galay inay ka soo qeyb galaan munaasabada lugu xusayo,waxana rajeynayna inay si wanagsan noogu dhamaato xuska Qomiyadaha dalka Ethiopia…”"”ayuu yiri mid ka mid ah madaxda loo saaray diyaar garoowga munaasabada.

Dhinaca kale madax kala gadisan ayaa ka qeyb galaysa munaasabada,waxana Soomaaliya iyo maamulada ka jira ka tagaya madaxdooda,dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa munaasabada ugu qeyb galaya oo xilligaan Jig-jiga ku sugan wafti uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi,waxana wasiirku inta uusan ka bixin Muqdisho usheegay warbaahinta in casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Maxamed Cumar, taasi oo ku aadan ka qeybgalka xaflada qowmiyadaha.

Madaxweynaha Puntland Dr C/rixmaan Faroole ayaa isna jooga Jig-jiga si uu uga qeyb galo munaasabad madax kala gadisna oo Afrikan ah ayaa iyaguna wali la dhowraya.

Munaasabada lugu xusayo Maalinta Qomiyadaha dalka Ethiopia,waxaa ay furmaysa maalinta barri ah.

Si kastaba ha naqote Masuuliyiin kala duwan ayaa kusii qul-qulaya Magaalada Jig-jiga ee dalka Ethiopia halkaasi oo sida qorshahah uu yahay dhawaan ka bilaaban doonta xaflada qowmiyadaha.
______
RBC Radio
Xafiiska Jig-jiga

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles