Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliya oo wali qeyb ka ah dalalka ay dhibaatooyinka ka jiraan

$
0
0

17296

Muqdisho[RBC Radio]Dalka Soomaaliya ayaa la sheegaya wali inay ka jirto xasilooni dari,waxana warbixin laga soo saaray amniga Soomaaliya lugu sheegay inaysan wali gaarin heer lugu sheegi karo in xasilooni uu dalka ka jiro.

Iyadoo ay jirto dhibaatoyin ka dhan ah amniga inay ka dhacan guddaha Soomaaliya,haddana waxaa la sheegaya in xilligaan isbadal yar oo dhanka amniga ah in la dareemayo,waxana sidoo kale la sheegay inay siiyaranayso awooda ay lahaayeen kooxihi dowladda la dagaallamijiray,kuwaaso la sheegay inay hoos u dhacday weeraradi ay geesan jireen.

…”"”Soomaaliya wali ma gaarin heer la oran karo,xasilooni baa ka jirta Soomaaliya,haddana isbadal yar oo dhanka amniga ay ayey sameeysay waxana la dareemaya inay yaraatay awoodi ay lahaayeen kooxihi la dagaallamayey dowladda…”"”ayaa lugu yiri war-bixinta looga hadlayey amniga Soomaaliya.

Wararka la xiriira arrimaha amniga ee Soomaaliya oo ay falan-qeeyen qabiiriin reer galbeed ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada wajahaya caqabadaha dhanka amaandarida ah oo ka imaanaya Kooxo xiriir la leh Al-Qaa’ida,waxayna iyagoo si hadlayay sheegeen in Soomaaliya u baahan tahay in laga gacan siiyo dhanka sugida amaanka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa lala mid dhigay ilaa iyo dalal gaaraya 10 oo dhamaantood ku yaalo Qaarada Africa oo hada ay ka jiraan dhibaayooyin isugu jira amaandari iyo xaalado bini-danimo oo aad u daran,waxaana ka mid ah dalalkaasi Comoros, the Central African Republic (CAR), the Democratic Republic of Congo (DRC),Madagascar, Somalia, Sudan, Koonfurta Sudan iyoTogo.

Xilligaan Soomaaliya waxaa ka jirta dowladda faderaal ah oo ka baxday KMG nimadi,waxana madaxda dowladda ee hadda ay ka dhawaajiyaan inay isku howlayaan sidii loo soo celin lahaa amnigi iyo xasiloonidi Soomaaliya.

____
RBC Radio

Xafiiska Miqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles