Muqdisho (RBC) Kulan ballaaran ayaa habeenimadii KKhamiista xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhexmaray madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaano ka mid ah beesha Daarood oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah.
Kulankan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo xildhibaanada beelaha Daarood iyo madaxweynaha dhexmara tan iyo markii uu dhacay codkii kalsooni kala laabashada xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Isniintii la soo dhaafay.
Xubno ka qeybgalay shirkan oo aan rabin in la magac-dhabo ayaa Raxanreeb Online u sheegay in madaxweynaha iyo xildhibaanada beelaha Daarood ka wada hadleen baahida loo qabo in si dhakhso leh lagu soo magacaabo raysul wasaare cusub oo keena gole xukuumad, iyadoo si aad ah looga dhawaajiyey inay haboon tahay in magacaabistaasi ay ku soo dhammaato ka hor dhammaadka bishan December maadaama baarlamaanka fasax galaayo horraanta bisha Jannaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa u soo bandhigay xildhibaano beeleedka in haddii uu jiro shakhsi ay isku wada raacsan yihiin ay u soo gudbiyaan, ama ugu yaraan ay u keenaan dhammaan xubnaha ay isleeyihiin way ka bixi karaan xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya, si uu markaasi uga dhex xusho qofka uu isagu is leeyahay inuu u istaagi karo qabashada jagada raysul wasaaranimo.
Ilo wareedka ayaa Raxanreeb Online u xaqiijiyey in madaxweynuhu soo bandhigay afar shuruudood oo uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay ninka qabanaya raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya kuwaasoo kala ah;-
1- Inuu yahay shaksi aqoon durugsan leh iyo waayaaragnimo leh, isla markaana nadiif ah xagga colaadihii dalka ka dhacay.
2- Inuu yahay siyaasi ku fiican nidaamka dawladnimo.
3- Inuu noqdo nin beesha caalamka aqoon u leh, oo xiriirkiisa cusubna sameysan kara.
4- Inuu yahay nin ka gadmi kara wadamada deriska ah, ama ugu yaraan uusan ka xanaajin doonin marka la magacaabo.
Xildhibaanada beesha Daarood oo dhowr xubnood ay u hadleen ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu isaga awood dastuuri ah u leeyahay inuu raysul wasaare cusub soo magacaabo, ayna jecel yihiin in wixii talo ah mooyee ay u daayaan isaga inuu soo xulo raysul wasaaraha cusub ee dalka.
70 musharrax oo dooneyna xilka raysul wasaaraha
Madaxweynaha ayaa sidoo kale goobta kulanka ka sheegay inay jirraan illaa 70 musharrax oo u taagan qabashada xilka raysul wasaaraha, badankooduna ay yihiin musharixiintii sanad ka hor araajiadooda u soo gudbiyey ka hor intii aan la magacaabin raysul wasaaraha xilka baneynaya ee Saacid Shirdoon. Wuxuuna Xasan Sheekh sheegay in mar haddii uu waqtigu yar yahay xukuumaddana ay shaqo adag u taallo uu dib isugu shaandheyn doono liiska musharaxiinta uu hadda hayo ka dibna uu ka dhex eegi doonpo cida ugu muhimsan ee uu kala soo dhex bixio karo.
Waxaa weli socda kulamo hoose iyadoo musharixiin ka soo jeeda beelaha Daarood oo raba inay xilka raysul wasaaranimo helaan ay hadda wadaan olole ay ku kulansiinayan xildhibaanada beesha iyo odayaal dhaqameedka la isleeyahay wax way ka iibin karaan Xasan Sheekh Maxamuud.
Labadii maalmood ee uu dambeysay waxaa Muqdisho soo gaaray tobaneeyo musharrax oo ka yimid wadamada deriska ah iyo kuwa fogba kuwaasoo dhamaantood ololayaal ka wada hoteelada ay degan yihiin ee magaalada Muqdisho.
Labo daran mid dooro!
Arrinta ugu weyn ayaa hadda ah sidii uu madaxweyne Xasan Sheekh isugu keeni lahaa qanacsanaanta beelaha, helista kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka ee ay kala jiidanayaan musharixiinta kala danaha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in arrintani ay noqon karto labo daran mid dooro maadaama loo baahan yahay in beelaha horey loo siin jiray raysul wasaaraha ay ku qancaan ninka cusub ee xilka imaanaya weliba xilli maamulka Puntland uu dhowaan qaadacay la shaqeynta Dawlada Federaalka iyo in raysul wasaaraha cusub iyo xukuumadiisuba ay helaan kalsoonida xildhibaanada marka la horgeeyo si ay xukuumadda cusub u shaqeyso.
Tani waxaa dhinaca kale ku lamaansan in wadamada deriska ah iyo kuwa deeqaha bixiya oo saameyn muuqata ku leh siyaasadda dalkaba ay ku qancaan shakhsiga ku fariian doona kursiga raysul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Raxanreeb Online
Xafiiska Wararka Muqdisho