Muqdisho[RBC Radio]Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhawed ku geeryoodey magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.
Xildhibaankan ka tirsan tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa geeryodey kadib qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, gaar ahaan meel baabuurta la dhigto oo ku dhow aqalka R/wasaaraa.
Mudanahaan ka tirsana xildhibaanada Soomaaliya ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed oo loo yaqaano Xildhibaan Feysal, kaasoo u dhintay dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxa oo u muuqday mid ka dhashay gudaha gaarigiisa.
Qaraxaan waxaa uu dhacay xilli laga soo baxay salaadii Jimcaha kadib, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen.
Sidoo kale warar an helayno waxaa ay sheegayaan in xildhibaankan uu ka mid ahaa mudanayaashii taageersanaa Xukuumadii Saacid ee kalsoonida lagala laabtay.
Ma jirto wali wax war ah oo laga soo saaray wali geerida xildhibaanka oo timid qarax lugu sheegay in gaarigiisa lugu xiray.
Muqdisho ma ahaa markii ugu horreysay oo qarax sidan oo kala ah lugula egtay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka,waxana marar horre jirta in sidaan oo kale ay u geryooden xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Waxii war ah ee ku soo kordha geerida xildhibaandka kala soco Raxanreeb.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho