Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi goor dhaweed ka diray geeridii ku timid xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka oo lagu magacaabayay Maxamed Warsame Feysal, kaasoo ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada, kadib markii walxaha qarxa loogu xiray gaarigiisa.
War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa lugu yiri “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE ka baryayaa inuu Samir iyo Iimaan uu naga siiyo marxuum Maxamed Warsame , isagana uu janaddii EEBBE ka waraabiyo. Dhammaan eheladdii, asxaabtii iyo xildhibaanadaba waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, innagana aan u soo wada duceyno in Illaahey uu janadii fardowsa ka waraabiyo.”
Sidoo kale madaxweynuhu wxaaa uu hey’addaha amniga ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan war uga keneen sababaha ka dambeeyey qaraxa lagu dilay xildhibaanka, isagoo umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka ah ee bartilmaameysanaya Masuuliyiinta Dowladda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale qaraxa maantay xildhibaanka lala ‘egtay waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Aamina Mursal oo xil kasoo qabatay dawladii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf.
Majirto wali cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ismiidaminta ah ee maantay lugu qaarajiyey xildhibaan Maxamed Warsame Feysal.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho