Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xassan SH:Nelson Mandela waa geesi ka baxay Afrika

$
0
0
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh aya war qoraal ah oo xafiiskisa ka soo baxay waa looga hadlay geeridi Nelson Mandela,kaaso xalay ku geeryoodey dalkaasi.

Xassan Sheekh waxaa uu sheegay in isagoo ku hadlaya afka shacabka Soomaaliyed uu tacsi ka dirayo geerida ku timid madaxweynihii horre ee dalka  Koonfur Africa,waxana Mandela uu ahaa madaxweynihi madowga ahaa ee ugu horreyey oo hoggaanka dalkaasi qabta.

…”"”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamud Anigoo kuhadlaya magaca Dowlada kan Shacabka iyo Keygaba waxaan uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo shacabka Koonfor Afrika, qaasatan ehelada iyo asxaabta Geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Marxuun Nelson Mandela waxaana eebe uga baryeynaa inuu eebe unaxariisto eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan kasiiyo…”"”ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay madaxweyne Xassan SH.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu ku tilmaamay geerida Mandela inay ka dhigayso geesi ka baxay qaaradda Afrika.

…”"”"Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh aduunka waana Geesiga Afrika, Mandela oo ahaa nabadoon waa laga wada xusayaa dhamaan,qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhamaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda…”"”ayu yiri madaxweynaha.

Madaxda caalamka ayaa si isku mid ah tacsi ugu diray  geeridi Nelson Mandela,waxana Mandel uu ahaa sida ay sheegen ruux ku weyn qaaradda Afrika.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles