Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Askar ka socota Midowga Yurub oo Muqdisho dhawaan tagaya

$
0
0
Midowga Yurub oo saarakil cidin usoo diraya Muqdisho

Midowga Yurub oo saarakil cidin usoo diraya Muqdisho

Sida lugu sheegay war ka soo baxay Midowga Yurub,waxaa dhawaan magaalada caasumada ah ee Muqdisho tagaya saraakil ciidan oo ka socda Midowga,waxana la sheegay saarakisha inay noqon doonan kuwo tababarro ciidan ku bixiya guddaha dalka.

Midowga Yurub  waxaa ay sheegen inay joojin doonan tababarrada dalka dibaddisa lugu siiyo ciidamada Soomaalida ee la doonayo in dib loo nooleyo,maadamaa xilligaan aysan jirin ciidamo Soomaaliyed oo awood uleh inay ka qeyb qaatan sugida amniga dalka.

…”"”‘Tababarrada la siiyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa hadda wixii ka dambeeya waxaa loo wareejin doono gudaha Soomaaliya…”"”"ayaa lugu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.

Waxaa lugu soo qaaday war ka soo baxay Midowga Yurub,in ciidamada guddaha dalka jooga ay suragalinayso in la kordhiyo tirrada ciidamada tababarrada qaata,waxaana taasi ay ka caawinaysa in la kordhiyo ciidamada Soomaalida ee loo qabto tababarrada.
Askar ka socota Midowga Yurub ayaa soo dirayso waqtigaan waxaa ay noqon doonan kuwo   sii wadaa tababarrada la siinao ciimadaba Soomaalida.

Midowga Yurub ayaa xilligaan dhaqaalo badan ku bixiya ciidamo ka socda dalal Afrikan ah oo ku sugan Soomaaliya kuwaaso lugu magacaabo AMISOM,waxana ay u xilsaaran yihiin sugida amniga iyo xasiloonida dalka.

Ma jiraan ciidamo Soomaaliyed oo awood uleh waqtigaan inay ka qeyb qaatan dadaallada lugu doonayo in lugu suga amniga Soomaaliya oo muddo 22-sanno ku jiray xasilooni darro.
_______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles