Baydhabo[RBC Radio]Hoggaanka ugu sareya ee Baarlamaanka dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa lugu wadda inay dhawaan gaaran magaalada Baydhabo ee xarunt agobolka Baay,sida uu xaqiijiyey Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe),oo warbahainta kula hadlayey Baydhabo ayaa sheegay inay dhawaan Baydhabo soo gaari doonaan tiro xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, inkastoo uusan sheegin qorshaha ay u tagayaan Baydhabo.
…”"‘Baydhabo waxaa dhawaan imaan doonna doonaan tiro xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,anigana safarkaas ayan horu-dhac uu ahay…”"”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo isagoo Baydhabo gaaray shalay.
Baydhabo sidoo kale waxaa ka socda shir la sheegay in maamul loogu dhisayo illaa lix goboll oo ay ku jiraan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo,lamana xaqiijiyin in socda waftiga Baarlamaanka ee tagaya Baydhabo uu la xiriiro k aqeyb galka shirkaasi.
______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo