Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Beledweyne oo dib loo furay adeeggyo xirna iyo shacabka oo baaq loodiray[Sawirro]

$
0
0
Beledweyne oo dib loo furay waddooyin xirna

Beledweyne oo dib loo furay waddooyin xirna

Beledweyne[RBC Radio]Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa dib loo howlgaliyey adeeggyo bulshada ku nool magaalada ay si weyn u siticmaali jireen kuwaaso horrey ciidamada amniga ay u xireen.

Waddooyinka magaalada dhex qaadda ayaa iyagu ahaa kuwo mudooyinkaan xirna,waxana taasi ay keenatay inay si weyn uga cawdaan shacabka,inkasto xilligaan dib loo furay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo,ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay jidka dheer ee hormara saldhiga booliiska magaalada Beledweyne kaaso ka mid ahaa jidadka ugu mashqulka badan ee magaalada ay laheyd,booliska ayaa xiray wadda tan iyo markii uu dhawaan halkaasi qarax ka dhacay.5

Cabdi Faarax Laqanyo,waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in gawaarida xamuulka ay markale isticmaali karaan wadda,maadama ay horrey u xirned.

…”"‘Waxaan dib u furayna waddi sida weyn ay shacabku u isticmalai jiran balse arrimo amni awfod an u xirnay,balse furitankeeda waxaa daba yaalla inan baaritan ku sameeyno gadiidka laga shakiyo si ammniga loo sugo, wixii xiligan ka danbeeyana gadiidka xamuulka waa ay isticmaali karaan wadada hormarta saldhiga booliiska…”"”ayuu yiri guddoomiye Laqanyo.

Sidoo kale guddoomiyah gobolka Hiiraan hadalka uu saxaafadda siinayey waxaa kale uu baaq ugu diray dadka deggan xarumihii dowladda, isaga oo ku wargaliyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u baneeyaan goobaha danta guud si ayu yiri bulshada loogu adeeggo.

2
____
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20329

Trending Articles