Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banadir oo Isbadal ka wadda Muqdisho

$
0
0
Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Muqdisho[RBC Radio]Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu ka hadalay waxii ay qabteen,waxana uu maamulka sheegay in xilligaan ay kentay inay arrintaa ka hadlan isbadalada ka dhashey magaalada caasumada ah ee Muqdisho.

Maamulka gobolka Banadir,waxaa ay xaqiijiyen in waqtigaan ay ku guuleystay soo celinta adeegyadii bulshada, dhismaha xarumaha maamulada degmooyinka, dugsiyo, nalalka qorraxda ku shaqeeya iyo dib u dhiska waddooyinka.

….”"‘Qorshaha uu maamulku higsanayo waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii Muqdisho, waxaana dhawaan la billaabayaa dhismaha jardiinooyinkii ama beerihii nasashada dadweynaha ee Muqdisho, kuwaasoo qayb ka ah dib u soo celinta bilicda caasimadda…”"‘ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banadir Tarsan,waxaa uu sheegay inay xilligaan socdaan dhismayaal cusub iyo dibu soo celinta waddooyin bur bursana,waxana intaa uu ku daray in xilligaan ay bilaabayan dhismayaasha waddooyinka oo ay ugu horreyso wadda isku xirta xarunta madaxtooyada iyo isgoyska KM-4,ugu danbeeyana maamulku waxa aya sheegen inay ku taallabsaden horumar la taaban karo.

Magaalada caasumada uu ah Soomaaliya ee Muqdisho waxaaa ay ku jirtay muddo ka badan 22-sanno dagaallo,kuwaaso wax u dhimay bilicdi ay lahaan jirtey,inkasto xilligaan ay ka soo kabaneyso.

_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles