Garoowe (RBC RADIO) Gurmadkan ayaa wuxuu ka yimid dadka Muslimiinta ah ee dagan Dalka Qadar kuwaasi oo u damqaday Dhibaatadii soo gaartay Qoysaskii ay Duufaanadu asiibeen ee Gobolada Puntland Qaarkood, Gurmadkanna wuxuu isugu Jiray Raashin iyo Agabyo kale oo Qoysaska Muhiim u ah ayna tabayeen,
Hay’ado Waa wayn oo tiraoodu 5gaarayso ayaa iska kaashaday in Gurmadkani laga soo aruuriyo Dalkaasi waxayna ku wareejiyeen Maamulka loo xilsaaray Gurmadka ee ku sugan Degmada Dangoronyo waxaana Masuul ka ahaa keenista gurmadkan loona soo wakiishay Maxamed Xuseen Cumar oo gacan wada shaqayneyd ka helayay Hay’ada Khayriga ah ee Tadaamun oo Xafiisyo kala duwan ku leh Deegaanada Puntland.
Maxamed Xuseen Cumar Wakiilka Gurmadkan lagu soo aaminay oo hadal kooban madasha kasoo jeediyay wuxuu tibaaxay in Gurmadkan Qadar ka yimi uu socon doono mudo bil ah ayna soo dhiibeen shacbiga Reer Qadar iyagoo ka naxay dhibaatadii ka dhacday Puntland waxayna sidoo kale u dhaga nuglaadeen buu yiri Wakiilku Baaqii Amiirkooda uu kaga dalbaday in ay u gurmadaan Walaalohood dhibaateysan.
“ waxaan hawshan u kala qaybinay 2waji kan 1aad waxa weeye in dadkan la gaarsiiyo Gurmad deg deg ah sida Raashin Dawo iyo waxay dhaxanta ka galaan waxaana ku tala galnay Toban kun oo qoys in aan hawshan gaarsiino,wajiga labaadna wuxuu noqon doonaa in dib u dajin loo sameeyo si ay uga kabtaan dhaawicii soo gaaray.
Maamulka Degmada Dangoronyo iyo Dad ku hadlay Afka shacabka Puntland oo MAdasha ka hadlay waxay aad ugu mahadcelsheen Walaaha Qadar iyo Dowladoodaba waxay kaloo Amaaneen Soomaalida is xilqaantay ee halkaa fog wax kasoo aruurisay taasoo muujinaysa in shacbiga soomaaliyeed ay yihiin dad is jecel waxayna sheegeen in ay gudoomeen Wax yaabihii lasoo gaarsiiyay si cadaalad ahna ay u qaybin doonaan.
Hay’ada Kheyriga ah ee Tadamun ayaa iyana kaalin ka qaadata Qaybinta Raashinka iyo isku xirka Dadka Gurmadka wada iyo Gudiga arintaasi loo xilsaaray mana ahan markii ugu horeesay oo ay kaalin ka qaadato hawlaha loogu gurmanayo walaalaha cayroobay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.