Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jakub Zuma:Mandella Aabihii South Africa Waa Tagay si nabad ah[Video+Sawirro]

$
0
0
Nelson Mandela oo geeryoodey

Nelson Mandela oo geeryoodey

Madaxweynihii ugu horreyey madow ahaa ee dalka  South Africa  Nelson Mandela , ayaa  geeryoodey kaddib markii muddo uu xanuunsanaa,labo jeer ayuu sannadkaan Cisbitaal galay,waxaana uu ahaa  hoggaamiye adduunka laga tix-geliyo oo laga qadariyo.

Geerida Nelson Mandela waxaa caalamka u xaqiijiyey hoggaamiyaha tallada dalka South Africa xilligaan haya ee Jakub Zuma oo war-saxaafadeed mardhow soosaaray.

“Mandella Aabihii South Africa WAA TAGAY SI NABAD AH” ayuu lugu yiri  war-murtiyeedkiisa,sidoo kale madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday  in aas qaran oo caalami ah loo samayn doonno aduunkana laga xusi doonno wuxuuna kudhawaaqay maalmo murugo badan oo  maanta  oo Jimco ah  bilaabmi doonna islamarkaasna calanka waddankaas hoos loo dhigi doonno.

Hadalka madaxweynaha South Africa  Jakub Zuma,oo sii socda  waxaa lugu soo qaaday “Qarankeenu wuxuu waayey qofkii ugu muhiimsanaa,Aabe Nelson Mandella” ayuu yiri Jakub Zuma.

Geerida Nelson Mandela  ayaa timid isagoo jira 95-sanno,waxana 27-sanno uu u xirnaa maamulkii cadaanka ee South Africa kajiri jiray waxaana loo aanaynayaa sambabka oo xilligii uu xirnaa  biyo ay ka galeen inuu u geryooday,waxana uu ahaa nin u dagaallama xaquuqda dadka madowga ah.

Hoyga madaxweynehii horre ee South Africa  Nelson Mandela ee geeryooday   boqollaal qof ayaa  kusoo xoontay ku waasoo ciidamada ammaanku ay kala horaynayaan,Waxaana la xiray waddooyinka waawayn ee caasimada iyadoona ammaanka la adkeeyey,waxana dalkaasi  Koonfur Africa uu galay habeeno  murugo ah.

Xilligii ay soo shaac baxday geerida  Nelson Mandela  ,waxaa si dhaqsiya ah ugu hadlay madaxweynaha dalka Marekanka Obama oo sheegey inay taabatay geerida Mandella wuxuuna sheegey inuu ka tacsiyeynayo.

Dhinaca kale waxaa isna hadal dhaqsiya ah jeediyey Xog-hayaha Qaramada Midoobey Ban Ki Moon,oo isna dhankiisa sheegay Inuu Mandella ahaa hoggaamiye cadaaladeed islamarkaasna bini’aadamka dhiirigeliya.

Isku soo wadda dubo Nelson Mandela  ,waxaa uu ahaa nin dunada laga jecel yahay siweyna looga yaqanay,dadka South Africa  ayaa iyagu murugo badan ku jira,maadamaa ruux ku weyna uu geeryooday.

Taarikhda  Nelson Mandela oo kooban hoos ka akhri:

  • Sanadkii 1918 ayuu Nelson Mandela ku dhashay Xaafadda Mvezo ee Eastern Cape.
  • Sanadkii 1943 ayuu ka mid noqday Xisbiga ANC.
  • Sanadkii 1964 ayaa xabsi daa’in lagu xukumay sabab la xiriirta in uu ka horyimid xukunkii talada hayay.
  • Sanadkii 1990 ayaa xabsiga laga soo daayay.
  • Sanadkii 1993 ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta nabadda.
  • Sanadkii 1994 ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika.
  • Sanadkii 1999 ayuu xukunka ka degay.

Hoos ka daawo sawirro muujinaya nolashii Nelson Mandela  oo xilliyo kala fog la soo qaaday:

2

3

4

5

6

7

8

18

11

10

9

16

1514

12

13
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles