Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharrax C/daahir Yeey:Waxan Ogahay Puntland waxa ka dhiman [Dhageyso]

$
0
0
Midig Wariye Iimaan Maxamed Jaamac iyo musharrax C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey)

Midig Wariye Iimaan Maxamed Jaamac iyo musharrax C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey)

Gaalkacyo[RBC Radio]Musharraxa xilka madaxweynanimo ee Puntland C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey) ayaa wareysi gaar ha siiyey shabakada wararka ee Raxanreeb.com,waraysigaan ay la yeellatay musharraxa Raxanreeb ayaa u qeybsanaa maqal iyo muuqal,waxana ku weydiinay su’aallo dhoor ah oo la xiriira musharraxnimadiisa.

C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey)  oo ka qeyb galaya doorahsada Puntland ka dhacaysa bilowga sannadka cusub ee 2014,ayaa waxaa uu ka hadlay hankiisa siyaasaded,doonistisa xilka madaxweynanimo ee Puntland wax-yaalihi ku sababay iyo taarikh nolaleedkiisa.

Waxana wareysigu uu u dhacay sidaan:Jawaabaha wan soo koobnay balse musharruxu wuu faah-fahainaya.
1- Ugu horayn waxaad inoo dul martaa taariikh nololeedkaaga oo kooban ?

  • Waxaan ku dhashey Soomaaliya,waxana ku koray Soomaaliya waxbarashada Hoose iyo Dhexe iyo sare  ku qaatay isla dalka,wadaanka waan ka tagay dagaallka markii uu dalka ka socday 1977 waxan tagay dalka Sacuudiga oo an muddo yar ka shaqeeyey,intas kadib waxaan tagay dalka Marekanka 1979 oo an waxbarasho uu aaday taaso heer Jaamacadded ah,waxan bartayna waxaa ay ahaayeen Maaliyadda oo an ku tagugusay,ka bacdi inta an joogay dalkaas wan ka shaqeynayey waxana soo qabtay shaqooyin kala duwan oo illaa heer dowladed ah,waxana inta ku shaqeynayey maaliyadda ayey ahayd, 20-sanno ee ugu danbeeyey shaqooyinka oo an heer sare ka gaaray ayn ku jiray,illaa iyo hadda dhawan an ka soo tagay ayan ku shaqeynayey,dalka Marekanka ayana daganahay wali 1992 ayan ku gursadey dalka waxan leeyahay afar carruur ah waxana ay daganyihiin Marekanka.

2- Goormay kugu dhalatay hankaaga ah inaad ku hamiso inaad ka mid noqoto musharaxiinta u baratamaysa xilka madaxtinimo ee ballansan 8-da bisha jannaayo ee sanadka cusub ?

  • Arrintaa waxay igu dhalatay muddo way igu  jirtay,markan tagayey Marekanka waxaa igu jirtay inan wax soo barto oo na dalka kusoo labto waxana ku haminayey inan waddanka  siyaasadisa ka qeyb qaato,balse markana soo labtay nasib darro waddanka waxa auu galay dagaallo,waxana xilligaa soo dhamaaday dagaallkii Itoobiya oo markaan baxayey bilowdey,muddii danbana dalka qalalaaso ayuu ku jiray,markii an fiiriyey dhibaatoyinka badan ee u dalka soo maray,markiin fiiriyey isku dayadii badna ee lugu doonayey in dalka dowladd loogu dhisa,waxana sii socotay in waddanka usan wali xasilooni ka dhalan,shantii sanno ee ugu danbeysana waxaan igu jirtay inan ka qeyb galo doorashada madaxtinimo ee Puntland oo an isi soo sharaxo.

3- Ma inoo sheegi kartaa waxyaabaha ugu waaweyn ee kugu dhaliyay inaad ku soo biirto masraxxa siyaasadeed ee Puntland, aadna isku soo taagto jagada ugu sareysa ee m/weyne ?

  • Waxaa ugu waa weyn xaaladda ay Soomaaliya xilligaan ku sugan tahay bur burka jira,nabadd la’aanta jirta wali,waxana jirta waddanka inuu u muqdo mid dibaddaha laga maamulo oo dadka Soomaalida ah ad moodid in dibaddaha looga taliyo arrimahasa ugu waa weyn waxaa igu kalifay oo an baadi goobo isbadal ka dhasha dalka oo maamulka soo socda an wax ka sameeyo isbadalka soo socda.

4- Musharax c/daahir waxaad ka mid tahay ragga u xaydxaydanaya xilka madaxtinimo ee Puntland, marka ma talo iyo go’aan aad ka soo baaraan dagtay baa mise loolanka markaad aragtay baad adigana dhankaaga ka biloowday ?

  • Illaa iyo waagi 1979 ayaan ku mahaminayey inan ka qeyb galo hoggaanka siyaasaded ee dalka oo arrintan hadda iguma dhalan oo tan iyo Marekanka markan tagay ayan ku haminanyey inan isbadal ka geesto dalka haddana waxan isleeyahay waa xilligii ku haboona oo doorashada soo socata ayaa illa muqatay inan ka qeyb qaato.

5- Marka aad fiiriso tartanka adag ee yaal doorashada sanadka cusub aadna qiimayso ragga aad taratamaysaan oo ay ku jiraan madaxda xiliggan iyo siyaasiyiin xilal sare soo qabtay illaa heer xukuumad dhexe ma is leedahay alaylehe xiligan way ku habboon tahay adiga c/daahir wad isa soo taagi kartaa ?

  • Jawaabtu waa haa,waxana haa ay ku tahay waxaa weye sidan horrey usoo sheegayba dalka xaaladd an wanagsanen ayuu ku jiraa oo xata xaga dhaqaalaha wuu ku hooseya,anigana khibrad an waddanka wax uga badali karo ayan leeyahay oo an isleeyahay dalka ayan kusoo kordhin kara,waxana ku kulsoonahay oo khibaradeyda waxan qabaa inay wax badali karto.
    Musharrax C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey)

    Musharrax C/daahir Maxamed Yuusuf(Yeey)

6- C/daahir dad badan oo reer Puntland ah waxay qabaan in musharaxiin fara badan oo aad adigu xittaa ka mid tahay in dantooda khaaskaa ay tahay inay doorashooyinka oo kaliya ay dalka yimaadaan oo aysan inta kale dalka iyo dadka ka warqabin sidaas awgeed qurba joog midna aysan mudnayn hogaanka inay qabtaan hadalkas maxaa ka aaminsan tahay ?

  • Hadalka hadde dadku waxaa uu qabo isagaa qaba,anigana 40-kii sanno ee ugu danbeyey wixii dalka ka dhacayey wan la socday aniga iyo qoyskeena waxan ahay kuwo baadi goobayey xalka dalka,kamana marneen tallada iyo hadba xaaladda dalka meesha ay mareyso.

7- Midabada ama astaamaha aad isleedahay waad kaga duwan tahay musharaxiinta kale maxay yihiin, oo aad kalsoonida ku qabto inaad kaga mudan tahay xilka ?

  • Waxaan isleeyahay wan ogahay anigu midi waxaa weeye xaaladda dalka ka jirta si weyn ban u fahansanahay haddii ad egtid waddanka oo dhan xaaladda ka jirta si qoto dheer ayan u fahan sanahay,in muddana wan shaqeynayey maamul bana ku dhex jiray iyo miisaniyad sidii loo sameeyo arrimahaas wan kaga duwanahay oo musharrixinta qaar ayan oran karaa oo muddan wax maamulayey arkayana sida wax loo maamulo,marka khibrad iyo xaaladda wadanka an la socda ayaan intaba isleeyahay wan ku dheerahay.

8- Musharax c/daahir, haddiiba aad hanato xilka madaxtinimo , baahiyaha kuu muuqda ee ay qabaan dad iyo dalba Puntland oo buuxin lahayd maxaad inooga sheegi kartaa ?

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga musharrax Cabdi Dahair Maxamed Yuusf wariye IImaan ayaa wareystay

  • Tan ugu horreysa waxaa weye dalka in nabadd laga dhaliyo,Puntland oo kale oo an hadda u tar tamaya hadda way kala dadsan-tahay oo deegaannadeda waa kala go’doon oo dadka iyo dhulka Puntland isku keenistisa ayan doonayo,waxana qorshahaygu uu yahay isku xirka dalka,sameeynta in la suuragaliyo kaabashaayasha dhaqaalaha oo waddanka dhaqaalo laga dhaliyo wana ku haminaya,waxana jirta inan ku dadaali doonno baadi gobka qaranka Soomaaliyed oo ay Puntland wax ka hoggaamiso.

9- Ma jiraa musharax aad wada socotaan oo isku meel aad ka duulaysaan, masa jiraa musharax aad is leedahay haddii aad adiga booskaas waydo waa yahay ninka guusha ay raaci doonto ?

  • Horta anigu waxan isleeyahay ugu danbeeyn guusha aniga ayey iraaci doonta oo an meel fog uga soo tagay waa taas,musharrixin an wadda xirirna inan waddanka isbadal run ah inan ka sameyno way jirta oo ragga wada sheekeysana oo qorshuhu waxaa uu yahay isbadal inan kawadda shaqeyno.

10- Ugu danbeyn si ay doorasho xaqo oo xalaala ay u dhacdo ma jiraan rugniyo aad leedahay ha la raaco, iyo talooyin aad u soo jeedinayso, hogaanka,musharaxiinta,dhaqanka iyo shacabkaba ?

  • Dhoor wax yaabod oo an so sheegay ayaa ka mid ah ,sida nidam wanagsan oo doorashadu ay ku dhacdo,guddiyada xilligaa doorashada inay noqdan kuwo lugu wadda qanco inay yihiin waa muhiim,waana inuu jiro waji wanagsna oo ay doorashadu ka dhacdo.
  • Dhamaad

Wareysigaan waxaa qaaday oo diyaariyey wariyaheena Iimaan Maxamed Jaamac,goor dhowna naga fisha wareysiga oo muuqal ah Insha allah.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles