Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Faroole oo la hadlayay Radio Garoowe wuxuu tiiraanyo ka muujiyay Qaraxii ka dhacay Maanta Magaalada Boosaaso oo oo ay dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay ee loo gaystay Ciidanka Badda Puntland isagoo ku tilmaamay kuwii falkaasi gaystay dad nacalad qabayaal ah oo doonaya in ay wiiqaan Xasiloonida ka jirta Puntland.
“ Nacalad qabe ayaa ka dambeeyey Weerarkaasi allena wuxuu uga aar goosan doonaa Qabriga, waxaan ku kalsoonahay Shacbiga Puntland waxaan ku kalsoonahay Ciidanka Amniga waana mida hada keentay in Amaanka si wayn loo sugu lagana hortago in ay wax kale dhacaan, waxaan leeyahay Samir iyo iimaan alle haka siiyo ehelada dadkii ku dhintay Qaraxaasi oo wax magaratadu ay geysteen kuwii ku dhaawacmayna waxaan leeyahay caafimaad deg deg ah alle ha idin siiyo.
Hadalka Madaxweynaha wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Maanta Magaalada Boosaso uu ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidanka aadka u diyaarsan ee Bada Puntland kuwaasi oo Gaari qafilan oo ay wateen uu isku qarxiyay nin Walxaha qarxa Gaari ku soo rakibtay.
Hoos ka dhagayso Codka Madaxweynaha.
RBC radio
Xafiiska Wararka Garoowe.