Muqdisho[RBC Radio]Munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidamada badda Soomaaliya ayaa waxaa xilkii kula wareegay taliyaha cusub ee ciidamada badda Soomaaliya,kaaso dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xassan Sheekh.
Sargaalkan cusub ee hoggaanka ugu sareeya ee ciidamada badda Soomaaliya loo magacaabay ayaa waxaa lugu magacaaba Maadeey Nuuroow Sheekh Ufuroow,waxana xilkaa uu kala wareegay taliyihii horre ee ciidamada badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare.
Dah furkii munaasabadii koobned waxaa talihii horre ee ciidanka uu ku warejiyay taliyaha cusub (docuimentiyo) ku saabsan shaqadii uu qabtay talisku mudadii 5-ta sanno ee ugu dambeysay islamarkaana uu taliyaha ka ahaa Admiral Faarax Qare.
Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay taliyihii horre ee ciidamada badda Admiral faarax Axmed Cumar Qare,waxana uu hadalkiisa ku soo qaaday inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta xilka ku wareejiyo admiral Ufurow, isagoo ka codsaday saraakiisha ciidamada badda inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Taliyaha cusub.
Waxaa uu inta ku daray Admiral Faarax Qare inuu si weyn uga mahad-celinayo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo xilka cusub ee ay u igmadeen admirtaalka kaas oo ah inuu madax ka noqdo Hay’adda Cilmi barista Badaha Soomaaliyeed maadaama muddo ka badan 50 sanno uu ku jiray Shaqadaha Badaha.
Taliyayha cusub ee Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa dhankiisa uga mahadceliyay taliyihii horre waxqabadka uu muujiyay isagoo ballaanqaaday inuu sii dar dar gelin doono howlaha ciidamada Bada.
Isbadalka lugu sameeyey taliska ciidanka badda Soomaaliya waxaa lugu sheegay inay tahay sidii loo dar dargalin lahaa shaqada ciidanka badda Soomaaliyed.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho